Heshiis Wasaaradda difaaca Soomaaliya la gashay SKA oo la laalay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Heshiis qarsoodi ah, oo la sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiiga la gashay Shirkadda Ajnabi ah, oo ka diiwaan-gashan dalka Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo saarey ku-xigeenka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Idan Yoonis ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan uu yahay Heshiiska, maadaama aan loo marin habraacca Iibka qaranka ee ay dejisay Wasaaradda Maaliyadda.

War Saxaafadeedkan ayaa lagu beeniyay Warbixinta Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da baahisay shalay, taasi oo lagu sheegay in heshiiska SKA uu yahay mid ka caawinaysa Wasaaradda difaaca inay sahayda gaarsiiso goobaha Ciidamada ku sugan yihiin.

Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod], ayaa VOA u xaqiijiyay Heshiiska, kaasi oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah dowladda, oo dhibaato ka haysata sidii Zaadka ku gaarsiin lahayd ay Ciidankeeda ku kala sugan goobaha Al Shabaab laga saarey.

Warbixinta ayaa lagu wareystay mas'uuliyiin kala duwan, oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Maaliyadda kaasi oo sheegay inuusan waxbka kala socon Heshiiska. Halkan ka akhri. 

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM