Ilkacase muxuu ka ogaa isku dayga khaarijin ee Asad Xaajiyow?

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia – Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisey barnaamijkii la sugayey ee laga diyaariyey shabakad Al-Shabaab u qaabilsan dilalka Muqdisho, oo xubno ka tirsan la qabtay.

Inkastoo in ay jirto qayb labaad, xalqada koowaad oo ninka ugu badan ee kasoo muuqday uu yahay Maxamed Xaaji Axmed, "horjoogaha" shabakada, waxaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan.

Macluumaadka ayaa ku saabsan howlgalada khaarijinta ee shabakadda Axmed ka fuliyeen magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho iyo Marka.

Iyaddoo magacyadiisa afgarashadu kamid yihiin; Daadir, Ilkacase, Cadaawe iyo Xudeyfa, falalka uu ku lug lahaa ayaa lagu beegsaday mas'uuliyiin, saraakiil ciidan iyo rayid ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah.

Isku daygii dil ee Asad Xaajiyow

Shaqsiyaadka haatan caanka ah ee dilkooda uu wax ka ogaa waxaa kamid ah Asad Xaajiyow, Youtuber Soomaaliyeed, oo hadda ku nool Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia.

26-kii August, 2012, dabley ayaa banaanka mehrad ku taala Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxay si daran ugu dhaawacday Asad Xaajiyow, oo ay ku dhacday lix xabadood.

Xabadaha oo looga beegsaday qeybaha sare ayaa ka dhex-baxay marka laga reebo mid ka haleeshay dhabarka oo dhalisay in uu lugaha ka naafoobo kuna socdo hadda gaariga curyaanka.

Ilkacase, oo "garanaya" gacan ku dhiiglaha falkaas sameeyay, ayaa sidoo kale saaxiibo dhow waxay ahaayeen Asad Xaajiyow.

"Asad, wuxuu ahaa nin aan aqoono shaqsiyan. Nin fiican ayuu ahaa dowladda uma shaqaynayn waxba ma uusan ahayn," ayuu Ilkacase u sheegay barnaamijka Gungaar ee warbaahinta dowladda.

Boodboode

Sidda uu sheegay Ilkacase, isku dayga dil ee Asad, oo uu ka dambeeyay nin lagu magacaabo Boodboode, ayaa yimid markii "la arkay" isagoo telefoon ku hadlaya oo sheegaya 'Shabaabta waa carareen".

Ilkacase, oo sawirka shahaadadiisa dugsiga sare uu ka qaadey Asad, ayaa joogay meel ku dhow goobta uu shirqoolku ka dhacay

"Boodboobe, oo dhintay, isagoo aan waxba hubsan ayuu xabada ku furay, markii ay xabaduhu dhaceen waan soo cararnay ninkii oo jiifo iyo ninkaan oo Bastoolad xareysanaayo ayaan aragnay, markii aan waydiinayna wuxuu yiri 'xog ayuu gudbinayey' Asad markaas wuu noolaa, si aan la ii fahmin ayaana u dhex-gelin," ayuu ku daray Ilkacase.

Inkastoo Al-Shabaab aysan xiligaa sheegan isku dayga la doonayey in lagu dilo, Asad, oo ka shaqeynayey goob sawirada lagu qaado, ayaanan wali aqoon sababta uu bartilmaameed u noqdey.

"Laba qof ayaa ii timid, mid banaanka ayuu istaagay, kan kale lix xabadood ayuu iigu dhuftay illaa iyo aan ka dhaco," ayuu Asad yiri. "Maxaad ii xabadey? xigaal baad ii ahayd," ayuu ku daray.

Macalinka "dilaaga" noqday

Axmed, 27-jir ku dhashay Buulomareer, gobolka Shabeellaha Hoose, oo caruurnimadiisa la xagjireeyay, ayaa Diinta ku bartay Markas, gacansaar la leh Al-Shabaab.

2008-dii ayuu ka qalin-jabiyey dugsiga hoose iyo dhexe ee magaaladaas. Dugsiga sarre oo 2009-kii uu ka bilaaay gudaha Marka ayuu dhameeyay sanadkii 2011.

Jaamacad ku taala Muqdisho ayuu 2012 illaa iyo 2016 ka bartay Public Adminstration. Mogadishu University ayuu markii u dambeysay ka diyaarinayey Master-ka.

Sanad kadib, wuxuu shahaado diploma ah ka qaatay Machad luuqada English-ka lagu barto oo ku yaala caasimada Soomaaliya, halkaasoo kolkii dambe uu ka noqdo macalin.

Machadka, oo laba sano uu ka howlagayey gaar ahaan maalmaha Khamiistii iyo Jimcadii ayuu ka tegay bishii March, sanadkii hore 2019, waana laba bilood kahor inta uusan u gacan-gelin laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM