Imaaraadka oo ciidamo cusub u tababaray Dowladda Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi ayaa maanta ku wareejiya dowladda Federaalka Soomaaliya ciidan cusub oo loo tababaray.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamada cusub oo gaaraysa 311 Askari waxaa ka qeybgalay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha ciidanka xoogga, Cabdiweli Jaamac Xuseen "Gorad".

Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan, halkaasi oo ciidamada cusub ku sameeyay dhoola-tus iyagoo u dhamaystiran tahay dhamaan hubka iyo gaadiidka ay ku howlgali doonaan.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka doorkeeda dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in ciidanka cusub ay wax badan ka tari doonaan amniga.

Askartan ayaa la qorsheynayaa sida uu Khayre tilmaamay inay kamid noqdaan howlgalka cusub ee Al Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka, kaasi oo hadda abaabulkiisa ay wado dowladda Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa horey tababar u siiyay ciidamo kale duwan, oo kuwa DANAB ay kamid yihiin, oo fuliya howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab, oo kala qeyb-qaataan ciidamada Mareykanka ah.

Ciidamada Danab ayaa gacanta waxaa ku haya dowlada Mareykanka balse lama oga in dowlada imaraadka bixin doonto mushaharaadka ciidamadaan ay maanta wareejisay.

Lama oga wareejinta ciidamadaan iney la xiriir la leedahay xiriirka dowlada Federaalka iyo Imaraadka oo waayadaan dambe aan wanaagsaneyn taasoo timid kadib markii Villa Soomaaliya Khilaafka Khaliijka.

Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka Ra'iisul Wasaaraha:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.

“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM