MANAMA, Bahrain (Garowe Online) – Dowladda Bahrain ayaa Sabtidii sheegtay in weerar ay Iran ku qaaday xarun warshadeed oo rayid ah uu sababay dab iyo burbur hantiyeed, iyadoo xiisadda militari ee Bariga Dhexe ay sii xoogeysanayso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Bahrain ayaa sheegtay in kooxaha dab-damiska ay ku howlan yihiin xakameynta dabka, iyadoo warbixinnada hordhaca ahi muujinayaan inaanay jirin wax dhaawac ah.

Dowladda Bahrain ayaa sidoo kale digniino amni u dirtay shacabka, kuna boorrisay inay galaan goobaha ammaan ah. Ciidamada difaaca cirka ayaa sheegay inay qabteen weerarro cirka ah oo Iran ka yimid.

Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Bahrain, gaar ahaan Riffa iyo Awali, iyagoo ku andacooday inay burburiyeen qalabka raadaarka difaaca cirka. Sheegashadaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Bahrain, oo martigelisa Taliska Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka, ayaa dhowr jeer la kulantay weerarro Iran ay qaaday toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo colaadda Mareykanka, Israel iyo Iran ay khatar ku hayso amniga dalalka Khaliijka.

GAROWE ONLINE