Jubaland oo xariga Janan ku sheegtay "afduub" digniina soo saartey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in wasiirkii amniga maamulkaasi lagu xiray magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa "walaac looga muujiyey amniga iyo badqabka ee wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan]".

Mas'uulkan ayaa Sabtidii laga qabtay madaarka Aadan Cadde, halkaasi oo uu uga sii gudbayey Addis Ababa, magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa falkan lagu qabtay Janan lagu sifeeyay "afduub aan wax raad ah ku lahayn sharciga, dastuurka iyo xasaanadiisa".

Xukuumadda Federaalka ah ayaa ku adkeysatay in Janan loo haysto "dambiyo uu ka geystay qaybo kamid ah gobolada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo".

War-saxaafadeedka oo lagu dalbaday in xorriyadiisa loosoo celiyo wasiirka ayaa waxaa looga digay "cawaaqib xumo ka dhalan karta hadii uu xabsiga baaqi kusii ahaado".

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM