Jubaland oo xariga Janan ku sheegtay "afduub" digniina soo saartey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in wasiirkii amniga maamulkaasi lagu xiray magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa "walaac looga muujiyey amniga iyo badqabka ee wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan]".

Mas'uulkan ayaa Sabtidii laga qabtay madaarka Aadan Cadde, halkaasi oo uu uga sii gudbayey Addis Ababa, magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa falkan lagu qabtay Janan lagu sifeeyay "afduub aan wax raad ah ku lahayn sharciga, dastuurka iyo xasaanadiisa".

Xukuumadda Federaalka ah ayaa ku adkeysatay in Janan loo haysto "dambiyo uu ka geystay qaybo kamid ah gobolada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo".

War-saxaafadeedka oo lagu dalbaday in xorriyadiisa loosoo celiyo wasiirka ayaa waxaa looga digay "cawaaqib xumo ka dhalan karta hadii uu xabsiga baaqi kusii ahaado".

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM