Jubbaland oo dacwad ka dhan ah Farmaajo u gudbineysa ICC

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo warfidiyeenka kula hadlay magaaladda Kismaayo Khamiista maanta ah waxa uu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanada maamulkaas.

Arrimaha uu soo qaadey waxaa ugu mudnaa doorashadii uu kusoo baxay, khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, xarigga wasiirka amniga Jubbaland, go'doonka la geliyay Kismaayo iyo arrimo kale.

"Ma jiro dagaal u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland, bal waxaan dooneyno ayaa ah in dowladnimada Soomaaliya raadka ay leedahay in lagu dhiso," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ilaalinta sharciga iyo dastuurka ayuu ku sheegay in ay tahay xalka khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya. "Hadii sharciga lagu kala dambeyn waayo, qofna qof kale adoon uma aha, kamana xoog badna".

Farogelin "badan"

Dowladda federaalka ayaa aad isugu deyday in ay saameyn ku yeelato doorashaddii qabsoontay ee Jubbaland si uu ugu soo baxo murashaxa ay dooneyso ee daacadda u ah balse uma suurogelin.

"Waxay isku deyday in askari walba oo Shabaab la dagaalamaya in ay farunta kasii bixiso oo ay tiraahdo kaalay mushkilad geyso; waxaas oo dhan waa wax dowladnimada Soomaaliya lagu luminayo," ayuu xusay.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku sifeeyay mid ay ku hungoobeen shacabka Soomaaliyeed aysana ku dhaqaaqin wixii laga filayey oo ahayd dib u heshiisiin iyo isu soo dhaweynta dadka.

Xarigga Janan

Bishan September 1-deeda ayey ahayd markii Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan], laga qabtay garoonka Muqdisho, isaga oo ka yimid Doolow kuna sii jeeda Addis Ababa, caasimada Itoobiya.

Taliska Booliska federaalka ayaa shaaciyey in loo haysto "dambiyo culus oo ku aadan dilal ka dhacay gobolka Gedo" wallow tan iyo waqtigaasi aanan lasoo taagin maxkamad, laguna soo oogin wax dacwad ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo ayaa xariga Janan ku sifeeyay "mid siyaasadeysan", taasi oo uu ku raacay Axmed Madoobe, oo ka digay in uu baaqi kusii ahaado xabsiga maalmaha soo aadan.

Iyadda oo bishii April ay xeer-ilaalintu sheegtay in dambi lagu waayey Janan, kadib xarigiisa dowladda ayaa u yeertay xubno kamid ah reerkiisa oo ay hor-dhigtay shuruudaha ay kusoo deyn karto.

Sidda laga soo xigtay Axmed Madoobe, shuruudaha ayaa waxay kala yihiin; In aysan aqoonsaneyn Jubbaland, Doorasho lagu qabto gobolka Gedo iyo Ciidamada la hayo in lasoo wareejiyo.

"Waa ceeb, waxa laga hadlayo, Ma dowladnimadii Soomaaliya ayaa noqotay in noocaas loo dhaqmo? Ma magafataa dilaacay. Dowladnimadii Soomaaliya ma magafey noqotay, wax sax ah maahan," ayuu ku daray.

Amneyst International

Warbixin kasoo baxday hay’addan u dooda xuquuqda aadanaha oo soo dhaweysay xariga Janan ayaa sheegtay in uu geystay "dambiyo caalami ah" waxayna soo jeedisay in maxkamad lasoo taago.

Kadib qormadan, odayaal iskood isku xilqaamay oo ka baxay gobolka Gedo, ayaa u tegay Farmaajo si ay arrinta u qaboojiyaan. Balse jawaabta ayaa noqotay "Ma rabno Jubbaland dhismaheeda; ninkaasi Amneyst ayaa haysata".

"May wax ka qabato dadkii la socdey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee la laayey. May wax ka qabato dadka lagu laayey Baydhabo? Maxay tahay Amneyst? Hadey maanta wax muddaneyso, hogaanka dowladda federaalka yaa baahan in uu qabto sharcigeeda in uu keeno," ayuu hadalkiisa raaciyay. "Amneyst sharcigeeda yuu ka adag yahay?" ayuu is-waydiiyey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkiisa ku daray: "Wasiir Cabdirashiid wuxuu ku xiran yahay Jubbaland kaalay nala burburiye, isaguna wuxuu leeyahay waan dhisay ma burburin karo, waa waxa kaliya ee lagu hayo".

Xayiraada garoonka Kismaayo

Kadib markii uu sii xumaadey xiriirka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, xukuumadda Muqdisho ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay Kismaayo, waxayna ku amartay diyaaradaha tegaya in ay maraan Muqdisho.

Balse sida uu sheegay Axmed Madoobe, dhibaato ba'an ayaa ka dhalatay arrintaasi, taasi oo ku tilmaamay "dambi ay geysteen Farmaajo iyo Wasiirada ayna dacwad uga gudbiyeen hay’addaha caalamka".

"Islaantii umusha ahayd; tii foolatay ee sakaraadka ahayd iyo qofkii lala soo cararay intuu waayey [lacagta kusoo korortay duulimaadka oo $230 ah] in ay jiraan kiisas ay xeer-ilaalinta soo gudbin doonto madaxweyne Farmaajo iyo wasiiradooda waxay [dambiga] ay geysteen; in ay u baahan tahay in kuwa xuquuqul insaanka iyo maxkamada caalamiga ah in loo gudbin doono bilaashaana [dacwad] aan diyaarin doono," ayuu ku daray.

Isaga oo weerar toos ah ku qaadaya madaxweyne Farmaajo ayuu yiri: "Garbaheena ayaan ku sidaney meydadka iyo dhaawacyada markii aan soo galeynay Kismaayo, halka uu isaga oo kafey ku cabayey Starbucks".

Cunaqabateyn

"Aniga oo aan ogolaansho waydiisan ayaan meeshan doono aadi karaa, berri haddey iigu dhalato ayaan aadi karaa. Waayo cidda la cunaqabateynayo?," ayuu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in uu diyaar yahay in uu dowladda kala shaqeeyo arrimaha dhameystirka dastuurka, doorashada 2020-ka, dagaalka Al-Shabaab iyo barnaamijka deyn cafinta.

"Laakiin, yaa lagala shaqeynayaa, waa in la helo helo cidii lagala shaqeyn lahaa," ayuu carabka ku adkeeyay.

Ugu dambeyntii, waxa uu si adag afka ugu balaariyey in ay "xadid-naan doonta inta ay dulqaadan doonan" aysana u turi doonin cid walba oo isku dayda in ay khalkhal geliso amniga iyo xasiloonida Jubbaland.

"Hadii madaxda dowladda federaalka iska bedeli waayan waxa ay maanta ku socdaan ee dhibaatada ah, jawaabta tan xigta ee aan bixin doono waxay noqon doontaa mid midaan ka bedelanay oo ka adag," ayuu kusoo xiray.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM