Khayre oo daah-furay mashruuc uu Mareykanka ku bixinayo 1.6 mliyan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku bixinaysa US $1.6 Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada.

Dhallinyarada ka faa'iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM