Khayre oo laga yaabo in uu gedaal kaga biiro shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa laga yaabaa in uu qeybaha dambe kaga biiro shirka lagu waddo in ay madaxda maamulada ku yeeshaan caasimadda Galmudug.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale casuumay afhayeenka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka, Cabdi Xaashi.

Xogta uu mareegga GO helayo ayaa waxay intaas ku dareysaa in madaxweyneyaasha maamuladda dalka aysan martiqaad u fidin gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Senate-ka oo tirro ahaan ka kooban 54 xubnood ama Senators ayaa dastuuriyan wuxuu metelaa danaha dowlad goboleedyadda waddanka.

Madaxda maamuladda, Khayre iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska akdhow marka ay timaado mar-xalada kala guurka iyo qabsoomida doorashadda.

Mursal, ku xigeenadiisa iyo Villa Soomaaliya ayaa isku aragti ka ah coddeynta qorshuhu ahaa in ay waddanka dhacdo sanadka 2020-21.

Illaa iyo haatan, lama soo bandhigin ajendaha shir-madaxeedka maamulada ee loo muddeeyay in Khamiista soo aadan oo ku beegan 9-ka July uu ka qabsoomo magaala madaxda Dhuusamareeb oo amnigeeda la adkeynayo.

Shirkaan oo kasoo baxay kulan khadka Internet-ka ah oo habeenimadii Axada ee asbuucaan ay yeeshaan madaxda maamulada ayaa yimid markii uu fashilmay Shirkii Amniga Qaranka ee ka dhici lahaa Muqdisho.

Dhanka kale, madasha xisbiyadda Qaran oo soo dhaweysay kulanka Dhuusamareeb ayaa baaqashadda Shirka Amniga Qaranka ku sifeeyay "mid muujineysa fashilka xoogga leh ee hogaanka dowladda federaalka".

BAYAANKA MADASHA

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM