Madaxda DF oo lagu dhaliilay in aysan ka hadlin dil wadareedkii Gololey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyay in aysan ka hadlin dhacdadii sideeda muwaadin dil wadareedka loogu geystay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cismaan Muxyadiin Shaatax, gudoomiyaha Dalada Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo tacsi u diray ehelada marxuumiinta, ayaa ficilkaas ku sifeeyay mid gabi ahaanba shaqo ku ahayn kana fog "bini'aadanimada".

Shaatax oo sheegay in uu si kulul u cambaareynayo xasuuqaas ayaa cod dheer ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in ay madaxda ka hadlaan dhacdadaas oo uu soo jeediyey in lagu sameeyo baaritaan madax-banaan oo dhaba.

"Marka labaad waxaan aad u cambaareynayaan falkaas oo ah wax aad looga xumaado oo bini'aadanimadana ka fog; runtii waa wax aad looga xumaado in madaxda dalka aysan wali ka hadlin, waxaana ugu baaqeynaa ka hadlaan; aamusnaanta waxay ka dhigan tahay in aysan gudaneyn mas'uuliyadda meesha ka saaran, waxaana ay hoos u dhigi kartaa kalsoonida shacabka ku qabi karo dowladooda hadii ay madaxda ka aamusayaan dhacdooyinka noocaan ah," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Raadiyaha maxaliga ah ee Kulmiye.

Sideeda marxuum oo todoba kamid ah ay ahaayeen xirfadlayaal caafimaad kana shaqeynayay MCH-ka degaanka, ruuxa kalena uu mehrad ku lahaa nawaaxigooda ayaa la qafaashay maalin kahor inta aan la helin meydadkooda.

Illaa iyo haatan ma cadda waxay ahaayeen kooxaha hubeysan ee geystay falkaas. Dadka degaanka waxay eedeeyeen ciidamadda dowladda, halka xukuumadda federaalka ay si aan toos ah ahayn ugu eedeysay Al-Shabaab.

Gololey waa ka arimiya maamulka HirShabelle, balse ma joogaan ciidamo dowladeed oo awood badan, waana mid kamid ah goobaha ay Al-Shabaab ku qarxiso ciidamadda xoogga iyo mas'uuliyiinta.

Horaantii asbuucaan, qarax miino oo duleedka Gololey lagula eegtay ciidamo milatari ah ayaa sababay dhimashadda ku dhowaad sagaal askari iyo dhaawaca tirro intaas ka badan.

Dhacdadaan ayaa waxay mar kale sarre u qaadeysa walwalka ku aadan in dadka shacabka ay yihiin dhibaneyaasha ugu balaaran ee falal amni darro ee ka dhaca Soomaaliya, oo ay ka dambeeyaan kooxo ka baxsada cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM