MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Talaadadii, 12-ka November, uu Soomaaliya ka fuliyay howlgal dhanka cirka ah.

Duqeynta oo ka dhacay nawaaxiga magaaladda Jilib, xarunta gobolka Jubadda Dhexe, ayaa lala beegsaday xoogaga Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa tilmaamay in howlgalkaas uu ku khaarijiyey in hal dagaalame oo ka tirsanaa ururkaas.

Shaqsiga la beegsaday ayaa gacan saar toos ah wuxuu la leeyahay shabakadda Al-Qaacidda, sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Bayaanka oo nuqul kamida uu helay mareega Garowe Online ayaa meesha looga saarey in duqeyntu ka dhalatay wax khasaaro rayid ah.

Dhinaca kale, ma jiro wali wax falcelin ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab, oo Washington u aqoonsan tahay argagixiso.

"Duqeynta waxay tusaale u tahay sida saaxiibadeena Soomaaliya ay u qabsan lahaayeen dhulka Al-Shabaab," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Jilib, xarunta ugu weyn ee ururka Al-Shabaab, ayaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha ururka, halkaas oo lagu diyaariyo weerarada.

Mareykanka ayaa kaliya sanadkan 2019-ka wuxuu Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 50 howlgal oo cirka ah, taas oo ka badan iskoorka xagaagii hore, 2018.

GAROWE ONLINE