MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa soo wariyey duqeyn cusub oo Sabtida maanta ah uu la beegsaday dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in weerarka dhanka cirka ah uu ka dhacay magaaladda Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ahna fariisinta ugu weyn ee ururkan.

Bayaanka AFRICOM oo nuqul kamid ah uu helay GO ayaa nan lagu shaacin max-suulka howlgalkooda iyo hadii ay ku dileen xubno mid ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Hase ahaatee, war-saxaafadeedka oo meesha looga saarey waxyeelo rayid soo gaarey ayaa waxaa lagu xusay in ay qiimeyn ku wadaan natiijada ama khasaaraha guud.

"Taliskeena wuxuu sii wadayaa in uu saaxiibadooda kala shaqeeyo mas'uuliyadda dheer ee ammaanka Soomaaliya," ayay ku sheegeen warkka qoraalka ah.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda Mareykanka, ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo laga hayo dhanka Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa kamid ah xeeladaha ay Washington kaga qeybqaadaneyso gulufka ka dhanka ah argagixisada dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee  Afrika.

GAROWE ONLINE