Mareykanka oo shaaciyay go’aan dhiira-gelinaya Al-Shabaab

Image

WASHINGTON - Waaxda difaaca Mareykanka [Pentagon], ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu dhimayo tirada ciidamada dalkaasi ka jooga wadamo ku yaalla qaaradda Africa, oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay in tallaabadan looga danleeyahay in lagu yareeyo khasaaraha askarta kasoo gaara howlgalka aan dhamaadka lahayn ee ay kawadaan Africa.

Madaxweyne Trump ayaa horey u shaaciyay qorshahan, oo qeyb ka ah dedaallada maamulkiisa ugu jiro inuu ku dhimo dhaqaalaha ku baxa ciidamada Mareykanka ee ku sugan dibadda, oo Africa ugu horeyso.

Waa tallaabo kale oo Trump u qaadayo ololihiisa dib u doorashadda 2020-ka.

Galbeedka iyo Bariga Africa ayaa ah meelaha ay ka howlgalaan ciidamada Mareykanka, ee dagaalka kula jira kooxaha argagaxisadda xiriirka la leh Al-Qaacidda iyo Daacish, sida uu sheegay Wasiir Mark Esper.

Wargeyska New York Times, ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in qorshaha maamulka Trump ee ciidamada lagu dhimayo uu billaaban doono bisha January ee sanadka 2020.

Tirada askarta Mareykanka ee hoos yimaada howlgalka AFRICOM ayaa lagu qiyaasay 6,000 illaa 7,000, kuwaasoo taageero siiya ciidamada dalalka ay ku sugan yihiin, waxayna fuliyaan howlgallo gaar ah.

Soomaaliya waxaa la sheegay inay joogaan in ka badan 500 oo askari oo saldhigyo kala duwan ku leh gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, iyagoo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tan iyo markii uu soo celiyay joogitaankiisa Soomaaliya sanado kahor ku guuleystay inuu dilo hogaamiyeyaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiro Axmed Godane 2014-kii.

Ciidamada Mareykanka ayaa tababarey, sidoo kalena qalabeeyay askarta guutada Danab, ee xoogga dalka kuwaasoo kaalin firfircoon ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tallaabadan lagu yareynayo ciidamada Mareykanka ayaa walaac ku abuureysa dowladaha dalalka ku tiirsan taageerada amni ee Washington, iyadoo ay dheera-gelin u noqon karta kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 04:28AM

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Salah Jama ayaa goobjoog ahaa munaasabadan.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 12:07PM