Markab Dhuxul si qarsoodi ah uga qaadey Somalia oo ku xirtay Iraq [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Markabka oo sida shixnad dhuxul ah ayaa ka baxey deked ku taalla Koonfurta dalka Soomaaliya iyado uu ku xirtey dekad ku taala dalka Iraq, sida laga soo xigtey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay.

Abuukar Daahir, Danjiraha Soomaaliya ee UN-ka oo war qoraal ah kasoo saarey arrinkani ayaa sheegay inay dowladdu cambaareyneyso, isagoo dhanka kale ugu baaqey hay'adda ku shaqada ah leh inay baaraan kiiska dhuxusha.

Markabkan oo aan wali la sheegin halka uu ka qaadey Dhuxusha ayaa waxaa uu ku xirtay dekad lagu magacaabo Umm Qasr, iyadoo u saaran yihiin 200,000 oo Kiisha oo dhuxul ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii sanadkaan mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha kadib shir heer caalami ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho, kaasi oo xubno ka socdey dalalka caalamka ay joogeen.

Xukuumadda ayaa sheegtay in dhuxusha ay u tahay Al-Shabaab isha ugu badan oo ay ka hesho dhaqaalaha, xili ay ka dhoofiyaan qaar kamid ah dekadaha ugu waa wayn dalka, gaar ahaan kuwa ay iyaga maamulaan.

Warkaan ku saabsan in Markab dhuxul sida oo ka baxey Koonfurta Soomaaliya uu ku xirtey dekad ku taala Iraq ayaa sare u qaadaya walaac laga qabo in awooda dhaqaale ee Al-Shabaab ay korodho.

Al-Shabaab ayaa dagaal kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya, waxaana laga saarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho sanadkii 2006-dii, inkasta oo ay ka fuliyaan falal lidiga ku ah amaanka.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mamnuucay 2012 dhoofinta iyo ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya, maadaama Al Shabaab kasoo galo ganacsigan dhaqaale badan oo ku taageerta colaadda dalka ay kawado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM