Mas'uul muwaadin "kaga hiiliyey" shirkad shisheeye oo cod laga hayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabashooyinka "ku xadgudubka shaqaale iyo habdh-dhaqan aan fiicnayn" ee ka dhanka ah shirkada maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori LLC ayaa isa soo taraya.

Bishii September 15-keeda 2013, shirkadan oo laga leeyahay Turkiga ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka garoonka, iyadoo bedeshay SKY oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta.

Muslimo Sheekh Nuur Maxamed, hooyo haysata caruur Agoon ah, ayaa shirkadan u shaqeysay intii u dhaxeysay 2014-2016, sidda ku cad aqoonsigeeda.

Bishii February, sanadkii 2017, Muslimo waxaa si rasmi ah loogu wargeliyay in shaqada laga eryay, iyaddoo sabab loogu dhigay dacwad uu ka gudbiyey ninka madaxda u ahaa.

"Sababta laygu soo eryay waxay ahayd in aan ka diidey 15 maalmood oo fasaxay ah oo ay u siiyeen," ayay Muslimo u sheegtay Goobjoog Tv.

Waxay raacisay "Markii ay iigu qasbeen oo aan qaatay, maalinta 14aad markaan tagay shaqada waxaa laygu yiri ruqsad baad tahay".

Naafo

Iyadoo la sheegay in ay badan yihiin shaqaalaha ashtakada gudbiyey, qaarka ku dhiiradey in ay cabaridaan dareenkooda waxaa ku jira qaar xubno jirkooda kamid ah ku waayey shaqadda.

Ismaaciil Muuse Ibraahim, oo suul gacanta ah ku waayey shaqadda, ayaa weji gabax kala kulmay markii saldhiga booliska garoonka u dacwooday loona sheegay in aan wax loo qaban karin.

Xasan Maxamed, oo ku jira dadka naafoobay iyagoo u shaqeynaya Favori balse aan helin magdhow taa bedelkeedna markii uu dacwooday la eryay, ayaa ka jabay lugta markii "lagu qasbay" shaqo uusan lahayn.

"Markii la bedelay ninkii madaxda noo ahaa, aniga iyo kooxdeyda oo shaqada dhamayna xiligii loogu talagalay waxaa noo yimid nin Turki ah wuxuu yiri agab meesha yaalay hala qaado, markii loo sheegay in aan meelo fog u socono iyo in markaan shaqada soo galno subaxii aan qaadeyno ayuu yiri 'berri hadii la qaadaayo dad kale ayaan keen-sanayaa iska baxa' sidaas ayaan ku weynay shaqadeena," ayuu Xasan, oo ahaa Rinjiile, raaciyey hadalkiisa.

Muwaadiniinta shaqooyinkooda "ku waayey sifo baalmarsan sharciga" oo wali hamuun u qabo in ay dib u helaan ayaa ka codsaday xukuumadda in ay wax u qabato.

Maamulka shirkadda Favori LLC iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin eedeynta.

"Cod sir ah"

Cabdirisaaq Maxamed, oo kamid ahaa shaqaalaha diyaaradaha haga ee garoonka Aadan Cadde, ayaa Favori LLC la shaqeynaayey lix sano laga soo bilaabo 2014-kii illaa iyo bishii September, 2019.

Maxamed, oo dhalinyarro ah, ayaa la ruqseeyay kadib markii uu ku lug-yeeshay shil sababay dhaawac kasoo gaarey faruurta.

Kahor eryidiisa, waxaa loo sheegay in laga magayo $1,200 oo lagu sameynayo gaari waxyeelo kasoo gaartay shilka lagu eedeeyay.

"Kama aqbalin, maxaa yeelay heshiiska aan la galay ayaa dhigayey," ayuu ku doodey. "Waxaa ii cuntami wayday in marka ay iga gutaan lacagta, waxaan noqon lahaa ruqso," ayuu cuskaday.

Saldhiga booliska garoonka, Maareeyaha guud ee garoonka iyo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ayaa ku guuldareystay in ay xaliyaan kiiska Cabdirisaaq si lamid ah dhibaneyaasha kale.

"Maareeyaha, Cabdi Ashkar, waxaan ka hayaa cod sir ah isagoo dhahaya 'waxba kuuma qaban karo, shaqadeyda iyo mushaharkeyga ayaan u baqayaa' waana hayaa codkaas," ayuu xusay.

Wallow aysan kusoo bandhigin barmaanijka ay ka diyaareysa sheekadan, warbaahinta Goobjoog ayaa baahisay in ay gacanta ku hayso codka Cabdi Ashkar ayna soo bandhigeyso xili walba oo loo baahdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM