Maxaa loo Magacaabi la'yahay Taliyeyaasha NISA iyo Booliska?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa mudo 3 bilood ah banaan xilalka Taliyeyaasha Hay'adaha Booliska iyo Nabad Sugida [NISA] oo halbowle u ah amniga dalka.

Magacaabista Taliyeyaasha Booliska iyo NISA ayaa maanta lagu waday inay dhacdo, islamarkaana lagu ansixiyo Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo ka dhacay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Dib u dhacan ayaa kasoo baxaya warar kala duwan, oo ku saabsan sababta ka dambaysa, iyadoo uu jiro guux dadweyne oo ku ku aadan arintan magacaabista la xiriirta.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Madaxweyne Farmaajo, Agaasiimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin iyo Ra'iisul wasaare Khayre ay isla meel dhigeen Taliyaha Booliska, balse wali isku raacin qofka noqonaya Taliyaha NISA.

Xogta GO ayaa intaasi ku daraysa in saddexdan mas'uul ay qaateen go'aan ah in dib ay u dhigaan magacaabista Taliyeyaashan, si aysan caqabad uga imaan isku-dheela tirka hanaanka awood-qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa miiska saaran dhowr shaqsi oo Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Khayre ay kala xulunayaan, iyagoo aad uga taxadiraya inay magacaabaan qof aan la jaan-qaadi karin Siyaasadda dowladda ay majaraha u hayaan.

NISA oo ah Hay'ad muhiim ah, islamarkaana inta badan ay madaxda sare ee dalka si gaar ah ula shaqeysa ayaa waxaa gacanta ku haya oo dhaqaalo ku bixiya dowladda Mareykanka, oo arrimaha sirdoonka kala shaqeysa.

Ciidamada NISA waxay si buuxda uga howlgalaan caasimadda Muqdisho, iyadoo fulisa howlgallada gaarka ah, oo ay kamid yihiin weeraro dhowaan dowladda ku qaadey Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur 17-kii December, 2017-dii.

Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo labaduba min labo jeer soo qabtey xilalkan ayaa shaqada laga eryay bishii bishii October, 2017, kadib qaraxii Zoobe oo in ka badan 500 oo qof ay ku dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM