Maxaa sababey mudaharaadyada ka socda dalka Iran?

Image

TEHRAN- Mudahraadyada looga soo horjeedo Dowlada dalka Iran ayaa dadka falanqeeya siyaasada waxay ku timaameen iney yihiin dhibaatooyin soo jireen ah kuwasoo ka yimid maciishada oo kor u kacdey iyo siyaasada dalkaas lagu hago oo aan wanaagsaneyn.

Sanado badan oo ay jireen sinaan la’aan dhaqaale ayaa sababtey in boqolaal dad ah u soo baxaan jidadka kuwasoo ka cabanaya maciiishada oo kor u kacdey iyo siyaasad aan isbadal laheyn taasoo lagu maamulayey dalka Iran Sodonkii sano ee ugu dambeeysay.

Dalka Iran oo dakhliga uu ka helo iibinta Saliida ku tiirsan ayaa dadka la socda siyaasada waxay aaminsan yihiin in dalkaan uusan muddo helin maalgalin dibadeed halka saameynta kacaanka Islaamiga ku leeyahay talada dalka ay tahay dhibaato kale.

Sicir bararka Iran ayaa maraya 9.6 halka heerka shaqo la’aanta gareyso 13%. 

Heerka shaqo la’aanta dalka Iran oo aan la shaacin ayaa dadka la socda siyaasada dalkaan sheegayaan inuu labo jibaar yahay midka dowladu sheegtey.

Dadka Iran oo aaminsanaa in heshiis kii laga gaarey sanadkii 2015 barnaamijka Nukliyeerka u keenayo isbadal dhaqaale ayaa hadda wax rajo ah ka qabin maalgalin cusub ee dalku helo.

Heshiiskaan ayaa waxaa waxyeelo badan soo gaartey markii talada dalka Mareykanka uu la wareegey Madaxweyne Trump kasoo sheegey ineysan sax aheyn in cunaqabateynta laga qaado dalka Iran.

Sicir Bararka, Shaqo la’aanta iyo maalgalin la’aanta 

Si kastaba ha ahaato diidmada Trump ee ah in heshiiska Nukliyeerka hirgalo ma aha dhibaatada dhaqaale xumo oo ka taagan dalka Iran.

Dhaqaale xumada dalka ka jirta waxaa iyadana qayb ka ah shuruucda maalgashiga oo adag, midda bangiyada, xiriirka ay leeyihiin suuqyada caalamka oo aan jirin iyo musuqmaasuq baahsan.

Heshiiska laga gaarey barnaamijka Nukliyeerka oo baqdin laga qabo inuu bur-buro waxay sababtey in shirkadaha caalamka ka gaabsadaan iney maalgalin ku sameeyaan  dalkaas madama suurgal tahay in dib dalkaas cunaqabateyn lagu soo rogo.

Dhinaca kale dalka Iran ku lug lahaanshiisa dagaalada ka socda dalka Suuriya iyo Yemen ayaa qayb ka ah dhaqaale xumada jirta iyadoo dadka mudahraadaya ku eedeynayaan madaxda dalkaas in hantida ay ku lumiyeen sidii kursiga ku hayn lahaayeen kaligii taliye  Bashar al- Assad.

Madaxweynaha dalka Iran oo isagu mar kale ku guuleyatey xilka hogaaminta dalkaan ayaa isagu balan qaadey in go’doonka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ka shaqeyn doono sidii loo qaadi lahaa.

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM