Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug oo la gudbiyey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa magacaabay musharaxiinta lix kursi oo kamid ah xubnaha Galmudug ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.

Liiska lasoo bandhigay waxaa ku jira afar haween ah kuwaasoo ku tartami doono laba kursi. Tani waxay ka dhigan tahay in ay kasoo bixi karaan laba haween ah waana qoondada 30% ee gaarka u ah dumarka.

Cabdi Axmed Dhuxulow [Dhagdheer] iyo Yuusuf Geelle Ugaas [Dhagey] ayaa loo saadaalinayaan in ay mar kale kusoo bixi karaan kursigan waxaana ay golaha kamid ahaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa Aqalka Sare waxay ku leedahay 8 xubnood. Labada kursi ee musharaxiintooda aan lasoo gudbin waxaa lagu waramay in uu ka taagan yahay loolan aad u culus isku hayaan siyaasiyiin aad u culus.

Cabdi Xasan Cawaale [Qeydiid] iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa ku baratamaya mid kamid ah kuraastaas, walina lagama gaarin wax is-fahan ah.

Dhanka kale, guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyey in musharaxiinta ay maanta qaadanayaan kaararka diiwaan-gelinta isla markaana ay bixinayaan lacagta diiwaan-gelinta.

Sida laga soo xigtey war qoraal ah oo kasoo baxay guddiga, doorashadda iyo hadal-jeedinta ayaa waxaa loo muddeeyay Khamiista asbuucaan oo taariikhda ku beegan tahay 12-ka bisha August sanadkan 2021-ka.

Hoos ka akhriso magacyadda musharaxiinta

No photo description available.

May be an image of text that says '3. Siciid Siyaad Shirwac Maxamed Daahir Maxamed Samsam Daahir Maxamuud Farxiyo Maxamed Guure 5. Cabdixakim Macalin Axmed Ismahaan Cabdi Xuseen 6. Duniyo Maxamed Cali Qadro Cabdullahi Isxaaq Qodobka 1aad: 1.Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Mudane: Axmed Ahk STATE F Cabdi Kaariye LOMALIA SOM Madaxtooyada Galmudug, Dhuusamareeb Email: Presidency@statehouse.gm.so'

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM