Nin Al-Shabaab ah oo dilay "180 qof" oo maxkamad lasoo taagey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lasoo taagay nin ku eedeysan dilka in ka badan 180 ruux oo isugu jira shacab iyo saraakiil ciidan oo sarre.

Maxamed Xaaji Axmed [Ilkacase] ayaa kamid ah shabakad ka tirsan xoogaga xiriirka la leh ururka Al-Qaacida oo kasoo wada muuqday xeer-beegtadda.

Shaqsiyaadka la sheegay in Ilkacase uu khaarijiyey waxaa kamid ah; laba Jeneraal, xeer-ilaaliye ku xigeenka iyo adeerkii soo koriyey, oo sarkaal boolis ahaa.

Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ilkacase uu sidoo kale ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

"Maxamed Xaaji [Ilkacase] oo ka tirsan Amniyaadka AS, oo loo haysto dilka in ka badan 180 qof iyo fulinta qaraxyo uu ka mid yahay kii Tiyaatarka Qaranka oo uu ku shahiiday haldoor Cawil Daahir, ayaa asaga iyo shabakaddiisa oo ka koobab 9 dhagarqabe la horgeeyay Maxkamada CQS," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA.

Saddex kale oo maxkamadda lala soo taagay Ilkacase oo ay ku jirto haweenay ayaa loo haystaa in ay Al-Shabaab xubin ka yihiin iyo dambiyo argagixisinimo ah.

Sidda ay Garowe Online u shegeeen saraakiisha, shan kale oo maqane ah, kuwaasoo ka tirsan shabakadan uu hogaamiyo Ilkacase ayaa "lagu raad-joogaa".

Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysaneyaashaan ayaa la filayaa in ay maalmaha soo aadan xukun kama dambeys ah kasoo saarto galkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM