Nin ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo la toogtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay aroornimadii maanta oo Isniinta ah Cabdiqaadir Abuukar Shaacir, oo ahaa khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab.

Shaacir oo ay ciidamadu soo xireen bishii May ayaa ku lug-yeeshay 3 weerar oo ka kala dhacay kasoo horjeedka Wasaaradda Cayaaraha, Baar Italia iyo kii u dambeyay ee lagu qabtay, Ex-Eeneyo.

Qaraxyadii uu soo sahmiyay:

Qaraxii Bar Italia Restaurant oo dhacay May 8, 2017, kaasoo ay ku dhinteen 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 11 kale

Qarax gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel wehliye March 13, 2017, kaasoo ay ku dhinteen 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 17 kale,

Qarax gaari oo ka dhacay irida xarunta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo dhcay, kaasoo ay ku dhinteen 9 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 kale.

Waxaa la qabtey C/qaadir Shaacir bishii May 15, 2017 isagoo wata gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasoo markii dambe ku qarxay meel ku dhaw xarunta degmada Xamarweyne.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana lagu fuliyay maanta oo Isniin ah, oo taariikhdu ay ku beegan tahay 24-ka Decemaber, 2018.

Dilka toogashada ah ee lagu qaaday ayaa lagu xukumay bishii December 30-keeda ee sanadkii hore 2017, isaga oo tan iyo xilligaasi ku jiray mid kamid ah xabsiyadda ugu waawayn ee Muqdisho.

Waa dil toogashadii labaad oo uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo tan iyo doorashadiisii 2017, xili midkii koowaad lagu fuliyay Xasan Aadan Isaaq, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii Zoobe, 14-kii October.

Talaabadani ayaa kusoo aadeysaa xili dhowaan taliska milatariga Soomaaliya uu wacad ku maray in la toogan doono dhamaan xubnaha Shabaabka ah oo ay ku cadahay dambiyada, gaar ahaan kuwa dilka toogashada ku xukuman.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee dhowaan Mooshinka ka keenay Farmaajo balse dib uga noqday ayaa qodobadii aadka uculuslaa oo ay ku eedeyeen Madaxwaynaha waxaa kamid ah inuu xadgudbay xeer-ciqaabta ciidanka xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM