Prof Cabdi Ismaaciil oo ka hadlay Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

Image

USA - Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka ayaa tooshka ku ifiyay qaladaadka madaxda sare ee dalka iyo Khilaafka Siyaasadeed ee jira halka uu salka ku hayo.

"Madaxweyne ma jiree, ee Madaxtooyo harka ku dhuumanaysa [Behind Shadow], oo halkaas ka maamulaysa, ayaa amuuraha kharibaysa, oo lacag bixinaysa," ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Waxa uu Cabdi Ismaaciil ku tilmaamay Jawaari nin daciif ah, oo qiyaano badan, kaasi oo Villa Soomaaliya ay doonayso inay bedesho, oo xukunka ka rido, iyadoo loo marayo mooshinka Xildhibaano ka keeneen.

Isagoo hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu Samatar tilmaamay in Villa Soomaaliya ay raadinayso Gudoomiye Baarlamaanka oo Xukuumadda sida ay rabto u sameeya, islamarkaana la jaan-qaadi kara siyaasadeeda.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wareysi siiyay BBC-da ayaa intaasi ku daray in labada dhinac ee hadda is-haya ee Khilaafka u dhaxeeya aysan wax dan ah u heynin shacabka wajahaya duruufaha kala duwan.

Dhanka kale, waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ka dhawaajiyay in Madaxweynaha uu ku qaldanaa inuu Jawaari ku yiraahdo Iscasil, balse laga doonayay inuu dhex-dhexaad ka noqdo dhinacyada is haya.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka digay in Madaxda hadda haysa talada ay dagaal Sokeeye dalka u horseedaan, maadaama ay Ciidamadii qaranka loo adeegsanaya danahooda Siyaasadeed oo lagu weerarayo xaruumihii dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM