Habka uu Farmaajo "u khaarijiyey" wadahadalada arrimaha doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khaarijiyey wadahadaladii siyaasadeed ee heshiiska looga gaari lahaa nooca ay noqoneyso coddeynta soo aadan, sidda ay aaminsan yihiin siyaasiyiin.

Dhinacyaddan xoojinaya doodan ayaa rumeysan in madaxweynuhu wali ka muuqan isbedel la xiriira aragtiisa keentay in uu daba-dheeraado Dhuusamareeb 2, ayna arrintaas dhaawaceyso shirka loo balansan.

Wada-xaajoodyadda oo ah wejiga saddexaad ayaa loo madalsanaa in ay 15-ka bishaan August ka furmaan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, mana dhicin. Wafuuda madaxweyneyaasha qaar ayaana wali tegin.

Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa madasha xaadir ku ah, kuwaas oo shirar gaar-gaar ah yeeshay.

Kahor inta uusan u socdaalin Dhuusamareeb, Farmaajo ayaa la hadlay baarlamaanka. Hadal-jeedintiisa wuxuu ku adkeeyay qabashada doorasho qof iyo cod ah, isagoo xusay in uu golaha kusoo celinayo go'aan walba.

Isagoo u muuqda mid iska indhatiraya nidaamka federaalka ee dalku qaatay, Farmaajo ayaa sheegay in Golaha Shacabka "uu go'aan ka gaarayo natiijada shirka Dhuusamareeb," taasoo lagu sifeeyay in ay tahay "beer la xawsi".

Falanqeeyeyaasha oo dhawaqa Farmaajo ku qeexay "in uu ku qamaarayo shirka Dhuusamareeb" ayaa hoos u dhigay rajada laga qabi karo in shirkaas uu guuleysto, maadaama aysan muuqan wax tanaasulaan ah.

"Horta aniga dooda ma ila ahan wax aad u adag. Sababtoo ah waxaa la isku hayaa waa nooca doorashadda, waxaana muuqata in madaxweynaha uusan wali go'aan gaarin. Khudbadiisa baarlamaanka aniga waxaan u akhriyey in uu u sheegayo in ay qaadacaan go'aan walba oo shirka kasoo baxa oo aan ahayn doorasho qof iyo cod ah," ayuu yiri Diini Maxamed Diini, gudoomiyihii hore ee Ururada Bulshadda Rayidka oo u waramay Raadiyaha KNN ee magaalada Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay Diini, fashil walba oo shirkaas ku yimaada wuxuu cadaadiska ku kordhin doonaa Madaxtooyadda "maadaama ay mas'uuliyadda ugu badan saaran tahay, [Farmaajana] uma muuqdo nin odaynimo raba".

Qaar kale ayaa aaminsan in fashil ku yimaada Shirka Dhuusamareeb 3 ay sababi karto faragelin ka timaada Beesha Caalamka, taasoo gorgortanka weji kale u yeeleysa maadaama waqti kale oo dheeriya loo baahan doono.

"Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan furmin ayuu irdaha u soo xiray, cid walbana way ogtahay in Golaha Shacabka uusan yeeli doonin waxaan muddo kororsi ahayn. Haddaba sida keli ah ee heshiis looga gaari karo doorasho la isla ogol yahay, xiligeedana ku dhacda, waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan shaqeynaya ayaa dhacaya bisha November, halka madaxweynaha ka dhamaanayo Febraayo.

Guddoonka iyo mudaneyaasha xeeriya mooshinkaan ayaa ka walwalsan in ay kusoo laabtaan kuraastooda maadaama uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn maamuladooda, halka Farmaajo uu doonayo in uu ololaha ku galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM