AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Image

AFRICOM oo Duqeyn Ka Fuliyey Buuraleyda Calmiskaad ee Puntland

Puntland – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Isniintii sheegay in ay duqeyn cirka ah ku fuliyeen kooxda ISIS ee ku sugan gobolka Puntland, gaar ahaan meel ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka cirka ah uu ka dhacay qiyaastii 60km (37 mayl) koonfur-bari kaga beegan Boosaaso, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahannada Daacish (ISIS).

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta, iyadoo aan la shaacin tiro dhimasho ama dhaawac ah, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyey burburka ka dhashay weerarka.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa taageero siinaya unugyada amniga Puntland oo dagaal kula jira dagaalyahanada ISIS ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad — meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah hawlgalka Puntland ee lagu ciribtirayo kooxdaasi.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 81-aad ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan 2025, taasoo ka badan tiradii duqeymaha ee sanadkii 2019 oo ahayd 63, markaas oo uu xilka hayey maamulka Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkan weeraro ka fulisay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo taageeraya dagaalka joogtada ah ee dowladda federaalku kula jirto kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM