Qaramada Midoobay oo fahfaahin ka bixisay kulankii Shariif iyo Swan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay war kasoo saartay kulankii dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo James Swan.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ayaa waxay kulmeen maanta oo Khamiis ah.

Kulankooda oo ku qabsoomay xafiiska Qaramadda Midoobay ee Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno kale oo ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UN-ka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobadda ay isla gorfeeyeen dhinacyadda.

"Isagoo sii wada kulamada looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee uu la yeelanayo saamileyda siyaasadeed, James Swan ayaa maanta la kulmay Sheekh Shariif," ayaa lagu yiri qoraalka.

UNSOM ayaa sheegtay in qodobada ay kawada hadleen Shariif iyo Swan ay kamid ahaayeen qabsoomida doorasho 'qof iyo cod' ah iyo muhiimada wadaxaajood dhab ah oo ay yeeshaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Qaramada Midoobay oo door ku leh geedi u socodka dowladnimadda Soomaaliya sanadihii u dambeeyay ayaa horey u taageertay in doorashadda soo aadan ay noqoto nidaamka Horeeyaa guuleysta, wallow aan laysku raacin.

Nidaamkan ayaa waxaa soo jeediyey Guddiga baarlamaanka ee ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka markii la diidey nidaamka metelaad isla-eg oo ay soo jeediyeen Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xisbiyadda mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka ayaa waxay ka digeen muddo kororsi loo sameeyo madaxda dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM