Qarax lagu soo qariyey Jawaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen qarax lagu qariyey jawaan oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Illo wareedyo ku dhow taliska booliska ayaa u sheegay Garowe Online in uu baxsaday qofkii ka dambeeyay falkaas kahor inta aysan meesha soo gaarin ciidamadda ammaanka oo baaris qaadey.

"Labada muwaadin xaaladooda way wanaagsan tahay, illaa haatan, waxaana lagula tacaalayaa mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaal madaxda waddanka," ayuu yiri sarkaal boolis ah.

Goobjoogeyaal ayaa soo wariyey in dadka waxyeeladdu soo gaartey ay ahaayeen shacab marayey wadada oo sidoo kale kaabiga ku haysa xaruntii hore ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka caasimadda oo qaraxyada iyo dilal ku jiraan.

Bishii hore ee August, afar weerar oo saddex kamid ah ay qaraxyo yihiin ayaa Muqdisho ka dhacay, waxaana ku naf-waayey in ka badan 60 ruux oo shacab u badan, iyaddoo Al-Shabaab ay ka dambeysay.

Ficiladaan u muuqda in ay dib u soo laba-kacleeyeen ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur siyaasadeed ah isla markaana ay socdaan wadahadalo lagu goobayo wada ogol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM