Qaraxyo xoog leh oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Qarax oo culus ayaa goordhaw laga maqylay bartamaha magaalada Muqdisho, kaasi oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ka dhaceen nawaaxiga Isgoyska Sayidka, oo kaabiga ku haya xarunta Gollaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay ciidamada katirsan Nabad Sugida oo bar-koonatarool ku leh Isgoyska Sayidka, iyadoo uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, waxaana ay intaasi ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha galeen.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ku taalla Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha, oo billooyin kahor ay sidan oo kale qarax gaari uga dhacay, kaasi oo Askar iyo shacab ay ku dhinteen.

Fahfaahinta qaraxyada, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM