Qoor-qoor oo ka waramay qaabka lagu soo saarey heshiiska doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa qiray in war-murtiyeedkii laga soo saarey wadahadalada arrimaha doorashooyinka 2020-21 uu kusoo baxay doodo la isku jilba murxay.

Isagoo Villa Soomaaliya kaga qeybgalay casho sharaf lagu soo xiray wada-xaajoodyadda, Qoor-qoor ayaa si gaar ah wuxuu u carabaabay madaxda Puntland iyo Jubaland oo uu ka dhawaajiyey in ay dhowr jeer is-qabteen.

Qoor-qoor ayaa nasiib wanaag ku sifeeyay in aakhiritaankii ay gaareen xal iyaddoo aysan u kala dab-qaadin shisheeye ama cid kale oo dibada ka timid.

"Marar badan ama waqtiyo yar aan yiraahdo yaan marar badan yaan dhihin oo aragtida lagu kala duwaanaadaa way jirtay, hase yeeshee, cid nagu soo baxdey ma jirto, cid isugu kaaya jiidiideyna ma jirto, waxaan isku qancinay si walaalnimo leh, ka turjumeysa mas'uuliyad iyo howsha na hortaala; waxaan rabaa in aan hortiina ugu mahad-celiyo mararka qaar madax aan kala duwanaanay saaxiibadey madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo odayeen markaan isu nimid muujiyey tanasul," ayuu daboolka ka qaadey Qoor-qoor oo u hadlayey afka maamuladda.

Daneeyeyaasha iyo shacabka ayuu ka dalbaday in ay taageeraan heshiiska ay gaareen, isagoo tibaaxay in dalku aanu geli karin coddeyn qof iyo cod.

"Waa mas'uuliyad wali miiska saaran gobolka Banaadir sidii laga yeeli lahaa," ayuu yiri, isagoo ka hadlaya qodobkaan oo si weyn isha loogu hayey kadib markii lagu soo qaadi waayey war-murtiyeedka iyo gabi ahaanba wadahadaladda.

Villa Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysay qodobkaan, waxaana ay kamid ahayd qorsheyaasha Farmaajo uu doonayey in uu ku galo ololaha doorashadda.

Dadweynaha Galmudug ayuu cod dheer uga mahad-naqay garab istaaga balaaran oo ay u muujiyeen martigelinta shirarkii Dhuusamareeb 1, 2 iyo 3.

Qoor-qoor ayaa la safanaa dhanka Madaxtooyadda, waxaana burburka shirarkii Dhuusamareeb ay ka dambeeyeen markii uu u afduubay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo, isagoo ogolaadey in la geeyo war-murtiyeed diyaarsan.

Heshiiska lagu gaarey Muqdisho ayaa la macno ah in laga gudbay jaran-jaradii ugu muhiim sanayd oo ah heshiis siyaasadeed, waxa kaliya ee haatan xiga waa meelmarinta baarlamaanka federaalka iyo dhaqan-gelinta go'aanadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM