Qorshaha ay Qadar iibineyso kahor wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qatar safiirkeeda u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa olole siyaasadeed ugu jira in Villa Soomaaliya hesho kororsiimo ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Xasan Bin Xamsa ayaa asbuucaan gudiihiisa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo ka shaqeynaya in ay mowqif la noqdaan dowlada Federaalka ah.

Xukuumada Dooxa oo Malaayiin dollar ku bixineysa sidii talada dalka ugu hayn laheyd madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeyneysa in madaxda sadexdaan maamul aytageeraan qorshaha dowlada ee kororsiimada marka dib la isugu soo noqdo wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

Villa Soomaaliya ayaa xusul-duub ugu jirta in go’doomin siyaasadeed ku sameeyaan madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland.

Bin Xamsa ayaa inta aan xilka laga tuurin Khayre bil ka hor kulamo la qaatey Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay inuu kala hadlay barnaamijka xilka lagaga tuurey Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa inta uusan ka qayb galin kulanka Dhuusamreeb safar ku tagey dalka Qatar iyadoo warar lagu kalsoon yahay u sheegeen GO in madaxda Doha u soo bandhigeen inuu is-casilo lacagna qaato si xilka RW loo siiyo mucaaradka dowlada oo diidan korirsiimada balse sida xoguhu xusayaan, waa ka biyo diidey.

Qadar ayaa caan ku ah faragalinta arimaha gudaha wadamo badan oo ka tirsan Jaamacada Carabta kuwaas oo qaarkood dagaal sokeeye ka dhacey.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada xulufada siyaasadeed la ah Qatar oo ay cunaqabateeyeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo dala kale oo Carbeed.

Turkiga iyo Imaraadka Carabta ayaa qarka u saaran iney isku farasaaraan dalka Liibiya halkaas oo dagaal sokeeye ka socda tan iyo markii kacdoon xilka looga xayuubiyey hogaamiyihii mayalka adkaa ee Muammar al-Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM