Qorshaha ay Qadar iibineyso kahor wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qatar safiirkeeda u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa olole siyaasadeed ugu jira in Villa Soomaaliya hesho kororsiimo ka hor inta uusan dhamaan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Xasan Bin Xamsa ayaa asbuucaan gudiihiisa kulamo gaar gaar ah la qaadanaya Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo ka shaqeynaya in ay mowqif la noqdaan dowlada Federaalka ah.

Xukuumada Dooxa oo Malaayiin dollar ku bixineysa sidii talada dalka ugu hayn laheyd madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeyneysa in madaxda sadexdaan maamul aytageeraan qorshaha dowlada ee kororsiimada marka dib la isugu soo noqdo wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

Villa Soomaaliya ayaa xusul-duub ugu jirta in go’doomin siyaasadeed ku sameeyaan madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland.

Bin Xamsa ayaa inta aan xilka laga tuurin Khayre bil ka hor kulamo la qaatey Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay inuu kala hadlay barnaamijka xilka lagaga tuurey Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa inta uusan ka qayb galin kulanka Dhuusamreeb safar ku tagey dalka Qatar iyadoo warar lagu kalsoon yahay u sheegeen GO in madaxda Doha u soo bandhigeen inuu is-casilo lacagna qaato si xilka RW loo siiyo mucaaradka dowlada oo diidan korirsiimada balse sida xoguhu xusayaan, waa ka biyo diidey.

Qadar ayaa caan ku ah faragalinta arimaha gudaha wadamo badan oo ka tirsan Jaamacada Carabta kuwaas oo qaarkood dagaal sokeeye ka dhacey.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada xulufada siyaasadeed la ah Qatar oo ay cunaqabateeyeen Sacuudiga, Imaaraadka iyo dala kale oo Carbeed.

Turkiga iyo Imaraadka Carabta ayaa qarka u saaran iney isku farasaaraan dalka Liibiya halkaas oo dagaal sokeeye ka socda tan iyo markii kacdoon xilka looga xayuubiyey hogaamiyihii mayalka adkaa ee Muammar al-Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM