Rooble oo eryay xubno sarre kana tirsanaa hay'adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa xilka ka qaadey Cabdullaahi Aadan Kulane, madaxa shaqaalaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya iyo Cabduwahaab Sheekh Cali, madaxa mukhaabaraadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad.

Sida ku xusan qoraalka, talaabadan ayaa si toos ah waxay salka ugu haysaa is-hor-taaga maanta lagu sameeyay mas'uuliyiinta loo diidey in ay ka dhoofaan madaarka diyaaradaha Muqdisho.

"Ra’iisul Wasaaraha  XFS oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde,ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA  Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali," ayaa lagu yiri wareegtadda Rooble.

Digreetadda waxaa Jiimcada maanta ah saxaafadda u akhriyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu kaasoo ay hareerihiisa kasoo muuqdeen madaxda hay'addaha ammaanka.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu u xaqiijinayaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa maanta safarkooda laga xayiray in ay xor u yihiin in ay safraan xilli kasta oo ay doonayaan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Rooble ayaa, sida ku cad bayaanka, wuxuu "talaabo sharci ah ka qaadi doonaa cid kasta oo ku xadgudubta dastuurka iskuna dayda in ay carqaladeyso geedi-socodka doorashadda ee mas'uulka uu ka yahay".

Dhanka kale, illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Villa Soomaaliya aysan "aad ula dhac-saneyn" talaabadda uu Rooble shaqadda uga eryay Kulane. Ma cadda haddii ay diidi doonto.

Kulane, oo kamid ah gacan-yareyaasha madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo, iyo Cali, oo kamid ah saraakiisha taabacsan maamulka xilheyntiisu dhamaatay, ayaa la fahansan yahay in ay hormuud u ahaayeen ficilada bilooyinkii lasoo dhaafay Muqdisho loogu xayiray siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dowlada dhaliila oo gobolka kusii jeeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM