RW Xamsa: Shidaalka dalka Soomaaliya halis ayuu ku jiraa

Image

MUQDISHO, Abriil 13, 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka, ay wajahayaan khataro dibadda ah haddii aan la dhisin ciidan awood u leh difaaca hantida qaranka.

Isagoo ka hadlayay isbeddelka ka socda awoodaha caalamka, Barre wuxuu sheegay in tartanka loogu jiro kheyraadka uu sii xoogaysanayo xilli ay sii yaraanayso kalsoonidii lagu qabay hay’adaha caalamiga ah iyo nidaamyadii hore ee lagu kala xukumi jiray dowladaha. Wuxuu ka digay in dal kasta oo aan lahayn awood ciidan uu halis u yahay inuu waayo maamulka kheyraadkiisa, ayna kala wareegaan dhinacyo kale oo ka xoog badan.

“Ummad aan lahayn ciidan xooggan oo difaaca diinteeda, dhaqankeeda iyo dalkeeda ma leh karaamo iyo jiritaan; haddii ciidanku burburo, dalkuna wuu burburayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha, isagoo raaciyay in tayada iyo awoodda ciidan qaran ay tahay miisaanka koowaad ee lagu cabbiro jiritaanka ummadnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah aysan hadda ka dib ahayn hadal kaliya, balse ay tahay arrin muhiim u ah madaxbannaanida dalka, isagoo xusay in shidaalku uu noqday bartilmaameed ay indhaha ku hayaan quwadaha caalamka. Wuxuu ku baaqay in Soomaaliya ay ka gudubto hadalka loona gudbo ficil lagu xaqiijinayo badqabka dhulka iyo dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay taageeraan dadaallada lagu xoojinayo ciidanka qaranka. Wuxuu ku tilmaamay dhismaha ciidanka jidka kaliya ee lagu sugi karo mustaqbalka dalka iyo ilaalinta kheyraadka ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM