DFS oo diiday in Al-Shabaab loo aqoonsado argagixiso caalami ah

Image

WASHINGTON, US – Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay kasoo horjeedo codsiga ay dowladda Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku aadan in Al-Shabaab si gaar ah loogu daro liiska argagixisada caalamka.

Qaraarka Kenya oo tirsigiisu yahay 1257 ayaa todobaadkii hore waxaa ka doodey Wasiiradda xukuumadda federaalka ah, wallow aysan xiligaasi si cad u shaacin mowqifka dalku ka taagan yahay dalabka Nairobi.

Isaga oo aanan soo qaadin dhibaatooyinka ay kooxdu geysato shacabka, haddana Danjiraha Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan [Abuukar Baalle] ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey diidmadooda.

"Al-Shabaab waa la baacsanayaa, waana laga guleysanayaa. Al-Shabaab lagama guuleysanaayo inta ay haystaan taageero banaanka ah iyo dad og in ay taageeraan iyo kuwa aanan ogayn," ayuu ka sheegay kulan-dadweyne oo ka dhacay waddanka Mareykanka, 17-kii bishan August 2019.

Sidda lagu go'aamiyey qaraar soo baxay 2007-dii oo tirsigiisu yahay 751, Al-Shabaab iyo hogaamiyeyaasha ugu sareeya maleyshiyaadkan ayaa waxaa haatan saaran xayiraad dhanka safarka iyo dhaqaalaha ah.

"Al-Shabaab lacagta ugu badan waxay ka helaan dhuxusha laga dhoofiyo gobolada Koonfureed, marka la dhoofinaayo, waxaa kor-taagan askar Kenyan ah, annaga sawirraan haynaa, waxaan haynaa xaqiiqo, qoladii guddiga xayiraada ayaa xitaa soo qoray, oo dhahaaya, waan soo aragnay, ma ahan waxaan aniga dhahaayo, iyagaa soo qoray oo ahaa 'Kenyanka iyagoo jooga ayaa meesha laga dhoofinaya' marka waxaad ii sheegtaa, Kenya iyadda oo ogolaatay in dhuxusha la dhoofiyo oo Al-Shabaab lacag ka sameyso, sababtee ayey u ogolaatay in Al-Shabaab lagu daro 1257," ayuu is-waydiiyay.

Isaga oo u muuqda mid isu jawaabaya wuxuu intaasi ku daray: "Marka waxaa noosoo baxday laba shey; 1257 ma qabo aragti bini'aadanimo; meesha ay joogaan [AlShabaab] hadii musiibo ka dhacdo waxba lama geyn karo [gargaar]. Taasi waxaa Soomaaliya ku taageeray dhamaan hay’addihii ka shaqeynayey bini'aadanimadda".

Hay’addahan oo badankooda ah kuwa Ameerikaan ah ayaa dowladooda Mareykanka waxay ka codsadeen in ay qaadacdo soo jeedinta xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Nairobi.

"Kenyanka maxay sameynayaa? Waxay adeegsadeen dhamaan hay'addahoodii dowliga ahaa xitaa afhayeenkooda baarlamaanka waxay uu geeyay mooshin markaa si qoto dheer u akhriso iclaaminaya dagaal ka dhan ah Soomaaliya, hadii looga guuleysto dacwadda badda," ayuu daba dhigay.

Dacwadda Badda oo hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysigeeda waxaa dib loo bilaabayaa bisha September, iyadda oo labadda dhinac ay wadaan olale ay ku xoojinayaa doodooda.

Hadalka Abuukar Baalle ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo uu jiro khilaaf aan wali xal laga gaarin u dhaxeeya dowladaha deriska ah, kaasi oo bilooyinkii lasoo dhaafay meeshii ugu adkaa gaarey.

Isqabqabsiga labada dhinac ayaa salka ku haya arrimo ay kamid yihiin Dacwadda Badda iyo Doorashadda isbuucii hore ka qabsoontay dowlad goboleedka Jubbaland, oo xuduud dheer iyo xiriir fiican la leh dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa ka fulisa magaalooyinka waaweyn ee dalka weeraro ay ku layso dad shacab ah iyo mas’uuliyiin uu ugu dambeeyay duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow ah, taasi oo ah wax uusan xusin danjire Baalle.

Go'aankan ayaa lagu tilmaamay "diidmo siyaasadaysan", oo salka ku haysa khilaafka dowladda Federaalka kala dhaxeeya Kenya, iyo taageerada xukuumadda Nairobi u muujisay doorashadii Jubbaland ee mar 3aad Madaxweyne dib loogu doortay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM