DF oo lagu eedeeyay in ay "qayb ka tahay" dib-u-dhigista dacwada badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo shaki geliyey dib-u-dhigista 3aad ee dacwadda badda ayaa ku booriyey Villa Soomaaliya in ay soo bandhigto "caddeymo haddii aysan qayb ka ahayn marmarsiyadda".

Xasan Sheekh Maxamuud oo Arbacada maanta ah qaybo kamid ah warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu gaabis yahay dedaalka ay dowladda madaxweyne Farmaajo ku bixineyso qadiyaddan.

Intii uu socday shirka jaraa'id, siyaasiga ayaa wuxuu ku dhaliilay hogaanka dowladda federaalka in aysan dadweynaha si furan ugala hadlin qadiyadda "oo wali taagan meeshii laga bilaabay bishii August, 2014-kii".

"Afar sano ku dhowaa meeshii aan uga tagnay ayay taagan tahay saddex jeer ayaa qadiyadaa badda dib loo dhigay, dowladdeena mar walba waxay noo sheegtaa in ay diidaneyd in dib loo dhigo, laakiin wax caddeynaayo in dowladeenu diidaneyd marna shacabka lama wadaagin, goleyaasha ay ahayd in ay la wadaagto sidda Golaha Wasiiradda iyo shacabka lamana wadaagin, laakiin afkaa noola sheegay waxaa la yiri annaga waa diidaneyn," ayuu yiri.

Khilaafka dowladda madaxweyne Farmaajo kula dhaxeeya dhigeeda Kenya ayuu ku tilmaamay "marin habaabin la doonayo in dadka looga leexiyo mushkiladaha faraha badan ee haysta xukuumadda haatan jirta".

"Mashaakilaadka yar-yar iyo kuwa waaweyn ee dalka haysta si looga leexiyo oo dadka aaney su'aallo uga keenin cadow in loo abuuro; xuduudaa soo xireynaa; xuduudka Kenya maxaa laga soo xirayaa kumanaan ciidankeedii ahaa dalka gudahiisa joogee, maxay tahay xikmada ku jirta? arrintaas iyaddana marin-habaabin ayay ahayd," ayuu raaciyey, isagoo meesha ka saarey in madaxda Jubbaland ay doonayaan saameyn ay ku yeeshaan dacwadda.

Sidda ku cad warqad ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka u dirtay Muqdisho iyo Nairobi, dib-u-dhaca saddexaad ee ku yimid dhageysiga kiiska waxaa loo cuskaday  Covid-19 awadiis, balse Xasan ayaa su'aal ka keenay arrintaas.

"Markii koowaad in maxkamadu aqbasho codsiga Kenya, markii labaad aqbasho codsiga Kenya, markii saddexaadna aqbasho codsiga Kenya, warkaas sax ma ahan ayaan is-leeyahay aniga, hadii uu sax yahayna dowladdu waxay ku dhiiran lahayd in ay shacabka la wadaagto dedaalka ay ka gashay oo aan ahayn annaga sidaas ayaan niri," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu raaciyey: "Shalay hadii Kenya ay ku doodey qareenadii ayaan erinay waqti ayay nooga baahan tahay in aan fahansiino qadiyaddana oo laga aqbalay, maatana Corona caalamka oo dhan ayuu ka jiraa, Kenya kaliya gaar uma ahan Soomaaliya ayuu ka jiraa. Marka, waxaan is-leeyahay cudurdaar fiican maahan waa mar-marsiyo iska yar dowladeena ay qayb ka tahay ayaan qabaa, haddii aysan qayb ka ahayna Umadda Soomaaliyeed meel karta oo ay joogto [ha u caddeyso]".

Hadalada is-burinaya ee ku saabsan dib-udhigista saddexaad kamid ah in dowladdu horey u sheegtay in kiisaska aanan mar dambe dib loo dhigi karin laguna soo kordhin dukumiintiyo cusub, balse hadda dib u dhac kale uu yimid.

"Ugu dambeyntii, waan ka xunahay in wixii 2017-kii bilowgisii aan ka hadalnay ay wali meeshoodii iyagoo jooga aan ka hadalno. Maanta in aan dabaaldegno oo aan faano oo aan niraahno dhulkeenii waan naloo soo celiyey xukunka cadaalad buu u dhacay in aan niraahno bey ahayd, laakiin maanta in aan niraahno dibaa loo dhigay sanad maxaa soo kordhaayo tobban bilood kadib oo imaanayo; dowladda oo hadda waqtigeedii sii dhacayo baqdin iyo gunta ka cararid miyaa dib iiga dhig miyaa?" ayuu yiri. "Maaj 21, dowladda kale ee imaan doonta haku dhibtooto miyaa, dhiiranaan la'aan miyaa oo lacala xukunka uu noqon waayo siddii aan rabnay miyaa, shacabkaa ku qabsanaayo miyaa, nin maxkamad tegay waa loo xukumaa ama waa laga xukumayaa".

Isagoo hadalkiisa sii wata, siyaasiga oo dowladda ugu baaqay in ay si daahfuran u wajahdo dacwadda badda ayaa is-waydiiyey haddii dib-u-dhigista ay qayb ka tahay muddo kororsiga la sheegayo in uu doonayo madaxweyne Farmaajo.

Dacwadda badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuna saabsan goob hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sidda shidaal iyo Gaaska ayaa madmadow badan gelisay xiriirka wadamada deriska ah.

MUUQAALKA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM