"Ciidamo ajnabi ah ayaa la rabaa in lagu soo qabto Axmed Madoobe"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa shaaciyey in dowladda federaalka "damacsan tahay iskuna deyday in Axmed Madoobe, soo qabato iyadoo adeegsaneysa "ciidamo ajnabi ah".

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa tilmaamay in isku daygii u dambeeyay uu dhacay kahor doorashadii ka qabsoonto Kismaayo bishii August ee sanadkan 2019, balse uu dhicisoobay wallow uusan sharaxaad ka bixin qaabka.

"…howsha intaas way kasii dheer tahay, aniga waxaan rabaa in aan aad u cadaado…mala socotiin in ciidamo ajnabi ah la rabo in lagu soo qabto Axmed Madoobe...mala socotiin hadda kahor markii ay doorashada dhaceysay".

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo Arbacadii uu ku qabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo loogu dhawaaqay Madasha Xisbiyadda Qaran oo hogaamiye ahaan loogu doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

"...arrintaas hadii ay dhici lahayd maxaa dhici lahaa...dagaal qabiil oo aan waligiis dhamaan oo boqol jirsada ayaa dhici lahaa," ayuu xusay. "Ma idin la tahay in aan ka aamusi karno, kama aamusi karno," ayuu carabka ku adkeeyay.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa 22-kii August ee sanadkan 2019-ka waxaa dib loogu doortay in uu Jubbaland madaxweyne u sii ahaado afarta sano ee soo aadan.

Shaacinta Sheekh Shariif oo noqoneysa wax naadir ah ayaa illaa iyo haatan waxaa nan wali ka jawaabin dowladda federaalka ah, oo codsiyo ku aadan in ay ka jawaabto diidey.

Doorashooyinka

Madasha Xisbiyadda Qaran ayuu hoosta ka xariiqay in loo sameeyay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa sarreynta sharciga iyo dastuurka oo lagu dhaqmo.

"Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rabnaa in uu hirgeliyo Dastuurka," ayuu yiri. "Dastuurka oo la garab maro sharaf laguma keeni karo," ayuu ku daray.

Xukuumadda ayuu ku tartarsiiyey in ay ka shaqeyso sidii nidaamka doorashadda ee soo aadan u noqon lahaa mid ay ku midsan yihiin saamileyda siyaasadda.

"Marka doorasho soo dhowaato hadaan la helin aragti ay ku mideysan yihiin dadka siyaasiyiinta ah dalka wuxuu gelayaa fowdo," ayuu tibaaxay.

Doorashadda soo socota ee 2020-21 ayaa nan wali heshiis laga gaarin, inkasta oo qorshuhu yahay in ay qabsoonto qof iyo cod, haddana shaki baa ku jira.

Sharciga doorashooyinka oo aan diyaar ahayn, amniga oo aan la sugin, tirokoobka dadweynaha oo lamid ah iyo caqabado kale ayaa diidaya qabsoomida.

"Dhibaatooyinka bulshadda lagu hayo" oo ay kamid tahay xiritaanka jidadka iyo xariga wariyeyaasha ayuu ku booriyay dowladda in ay wax ka qabato.

"Waxa dhaca waxaa lagu leeyahay madaxweynaha wax kama oga. Dadkan kale oo hoos laga sheegaayo anaga waxba nagama gelin, madaxweynahan la xisaabtameynaa".

Federaalka

Nidaamka federaalka ee dalka ka tisqaadey ayuu qeexay in kaliya lagu bedeli karo heshiis xili dowladda madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyo in ay burburineyso.

"Heshiis waxaa lagu jebin karaa heshiis kale. Nidaamka federaalka hala ixtiraamo, waan ognahay waxay dowladdu ka wado maamul goboleedyadda ka ra'yiga duwan, in la kala ra'yi duwanaado dowladnimadey kamid tahay".

Dowladda hadda jirta ayuu tilmaamay "in ay aad u nasiib badan tahay" maadaama shirkii koowaad ee loo qabtay hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee London ay maamuladda "dhabarkiisa istaageen madaxweynaha".

"Kalsoonida ay siiyeen maanta xagey mareysaa? Kuwa aamusana xanuuney la aamusan yihiin, waa hubaa shaki xitaa iigama jiro, kuwa kalana waa caddeysteen waxay dhaheen 'walaalo waxaan shaqo mahe jooji," ayuu xusay.

Shirkii dowladda iyo maamuladda ee ka qabsoomay Garowe oo uu soo hadal-qaadey ayuu tibaaxay in dowladda "fursad dahabi ah miiska loo saarey" balse ay ku guuldareystay in ay ka faa'ideysato.

"Aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaan goobjoog ka ahayn shirkii lagu dhexdhexaadinayey madaxda maamulada iyo dowladda, fursad dahabi ah ayaa miiska loo saarey, maanta meeshaad aragtay ayey mareysaa".

Shirkaas ayaa soo idlaaday iyadda oo madaxda aysan gaarin wax heshiis ah xili Villa Soomaaliya isku dayday in uu kasoo baxo kulanka "bayaan ay isaga ilaalineyso weji gabax taas oo ay ku fashilantay lagana diiday".

"Banaanbaxyo ayaa laga abaabulayaa Puntland iyo Jubbaland, maxaa lacagta Qaranka loogu bixinayaa? Waa kala aragti duwan tihiin kaliya wada hadal, waa intaas oo kaliya," ayuu hadalkiisa raaciyey Sheekh Shariif Axmed.

Wada xaajood

Geesta kale, Madasha Xisbiyadda Qaran ayuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u tahay wada hadalo ay la gasho cid walba oo "ka shaqeyneysa dano heer qaran ah".

Xukuumadda ayuu ku waaniyay in ay ka dhowr-sanaato xarigga sharci daradda ah iyo dhaqaalaha ay ku bixineyso sumcad dilida iyo aflagaadda ka dhanka ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta.

"Kali-talisnimadda ayay kamid tahay in qofka la cabsi geliyo iyo in la ciriirayo," ayuu tilmaamay. "Dowladda waxa ay sameyneyso waxa ka dhalan kara kama fekerto. Arrintaas waa arrin khatar ah," ayuu daboolka ka qaadey.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shariif oo tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayey fatahaadaha dalka ayaa saxaafadda maxaliga ah uga mahadceliyay "sida kartida leh ee ay ugu bareertay khataraha" isaga oo u rajeeyay guul.

MUUQAALKA SHARIIF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM