Farmaajo oo wadahadalka Somaliland "isaga saaraya" dabin siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadahaddala la qorsheeyay in ay Jabuuti ku dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland waxaa dabin siyaasadeed isaga saaraya madaxweyne Farmaajo, sidda uu shaaciyey Senator.

Wadaxajoodyadda oo Itoobiya ay soo qaban-qaabisay isla markaana Mareykanka korjoogto ka yahay waxaa la filayaa in ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muue Cabdi ku yeeshaan Jabuuti maalinta Axadda ah.

Mustafe Qodax oo ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya ayaa xoojiyey sheegashooyinka ku saabsan in wadahadaladda ay yihiin kuwa sumcad loogu sameynayo Farmaajo oo wajahaya "fashil hogaamineed".

Xilli lagu waddo in ay xubno ka socda Beesha Caalmka ka qeybgalaan, mudanaha oo qoraal soo saarey ayaa carabka ku adkeeyay in hogaanka dowladda federaalka ah aysan daacad ka ahayn shirkaas furmaya dhowaan.

Hoos ka akhriso qoraalka sharci-dejiyaha

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixi lahaa.

Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo Ummada Soomaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxaan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumadda Soomaaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.

Ka sakow muddo xileedka dawlada Soomaaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

Wadahadal kasta oo Soomaaliya iyo Somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca Soomaaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.

Dhinaca Somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

Markaad dib u yara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, waa xukuumadda aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray DP World oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan Ummada Soomliyeed oo u baahan in Farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya in uu indha Ummada Soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya Soomaaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

Waxaan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoonka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.


Culeyska siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo haysta waxaa ugu horeeya dooashooyinka qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21 oo aan wali lagu heshiin nooca lagu galayo iyo in uu ku fashilmay ciribtirka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM