​Somalia: Maxaabiis lagu dilay Beled-Xaawo

Image

BELED XAAWO, Somalia- Afar maxbuus ayaa lagu dilay meel ku dhaw saldhigga Booliska magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasi oo loo haystay shaki ah inay katirsan yihiin Kooxda Al shabaab.

Wariye ku sugan gobolka ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamada dowladda Federaalka Somalia ay afarta maxbuus kala soo baxeen xalay saqdiii dhexe xabsiga magaalada, kadibna ku wada toogteen bannaanka magaalada.

Maamulka degmada Beled-xaawo wali wax war ah kama uusoo soo saarin sababta maxaabiistan loo toogtay, iyadoo aan Maxkamad lasoo taagin islamarkaana aysan jirin wax xukun ah oo horey loogu riday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggan ay dileen ciidamada dowladdu ay ahaayeen dhalinyaro dhawaan lagu soo qabtey howlgal ka dhacay duleedka degmada, iyagoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

Dilka noocan ah ayaa mudooyinkii dambe ka dhacayay gobollada Jubboyinka iyo Gedo, kuwasoo loo geysanayo xubno katirsan Al shabaab, ee lagu soo qabto howlgallada ama dagaalka dhexmaro iyaga iyo ciidanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM