MUQDISHU, Somalia- Qarax miino ayaa Kolonyo ay la socdeen mas'uuliyiin katirsan dowladda Somalia waxaa lagula eegtay deegaanka Garasbaaley, oo ku yaalla duleedka Galbeed ee magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa sheegay in kolonyada la weeraray ay la socdeen Saraakiil u dhashay Imaaraadka Carabta, xubno kamid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha Qaranka, iyo maamulka gobolka Banaadir kuwaasoo marayay nawaaxiga Jaamacaddii hore Shabelle.

Lama oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay weerarkaas.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u sheegay in miinada ay haleeshay Gaari uu saarnaa Xogyahaya dhanka samafalka ee Maamulka gobolka Banaadir Cabdulqaadir Dalxa.

Ciidamada ayaa xiray wadada qaraxu ka dhacay weerarka kadib.

Wafdigan oo kusii jeeday xeryo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah, ayaa daqiiqado kadib sii amba qaaday safarkoodii.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse weerarada noocaan ah waxaa dalka Somalia ka fulisa kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE