Somaliland oo "diiday" in Farmaajo iyo Abiy ay kawada degaan Hargeysa

Image

MUQDISHO, Somaliland – Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa shaaciyey in Somaliland ay diiday in Farmaajo oo uu wehliyo Abiy Axmed ay ka wada deggaan Hargeysa.

Talaabadaasi ayaa qayb ka ahayd dadaalada dib u bilaabista wadaxaajoodkii dowlada dhexe iyo maamulkaasi oo hakad ku jira tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo, inkasta oo isku dayo ay socdaan.

Khadar ma uusan soo bandhigin goorta ay ahayd. Balse waxa uu ku tilmaamay "Fursad dahabi ah oo uu khasaariyey" maamulka gooni isu taagga ah ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale beeniyay in hadal bishii Maaj 2019 kasoo yeeray Muuse Biixi oo ku aadanaa in labada madaxweyne ay ku kulmayaan 19-kii bishaasi caasimada dalka Ghana.

"Aniga ma maqal meel ay Ghana ku dadaaneyso in ay martigeliso wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, balse Af-joogo looma adeego, waxaa fiicnaan lahayd in isaga la waydiiyo," ayuu Khadar ku yiri wareysi uu siiyey Tv-ga Goobjoog, isaga oo raaciyey "Somaliland waxay khasaarisay fursad dahabi ah oo ahayd in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy oo wada socda ay kawada degaan Hargeysa, markii madaxweyne Muuse Biixi iyo mas'uuliyiinta kale ay wadatasheen, waxayna ahayd fursad dahabi ah oo ay ugu soo bandhigi lahaayeen waxay tabanayaan".

Mowqif ahaan in wadahadalka dib loo bilaabo ayaa la sheegay in la isku raacsan yahay balse ay su'aallo ka taagan tahay meesha lagu kulmayo, iyada oo dalal kala duwan ay ku loolamayaan martigelinta sida Turkiga iyo Sweden.

Mr Khadar oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in wadamada la qorsheeyay in madaxda ay isku arkaan ay kamid tahay Jabuuti, balse aaney suurtogelin.

"Madaxweyne Farmaajo diyaar ayuu u yahay in uu Berri ka dego Hargeysa, waxaa kaloo uu diyaar u yahay in uu kursiga uga tanaasulo Muuse Biixi si oo u noqdo madaxweynaha dalka, si loo helo midnimo," ayuu ku daray Khadar, isaga oo daba dhigay "Ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy Axmed".

Markii la doortay iyo intii uu olalaha ku jiray, Farmaajo ayaa wacad ku maray in uu dardargelin doono dib u bilaabida wadahadalkaasi, wallow ay muuqato in uu ku guuldareystay ka miro dhalinta hadafkaasi.

Bishii Febraayo 2019 ayay ahayd markii Muuse Biixi iyo Farmaajo ay wada tageen xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo uu madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Abiy uga sii gudbeen Kenya oo ay xiisad kala dhaxeysay Muqdisho.

Geesta kale, Mr Mahdi ayaa xaqiijiyey in Farmaajo uu xiriiro la sameeyay hogaamiyeyaasha xisbiyada Somaliland intii ay socotay doorashadii ugu dambeysay ayna isku raaceen in ay wadashaqeeyaan.

"Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi xiriir wanaagsan bay lahaayeen laga soo bilaabo April illaa iyo Maaj 2018, wadahadal ku saabsan sidii loo bilaabi lahaa wadaxaajood labada dhinac ayay kawada sheekeysanayeen balse waxaa soo dhex-gashay xiisadii Tukaraq," ayuu hadalkiisa kusii daray ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Wadahadalada dowlada federaalka iyo Somaliland ayaa markii ugu horeysay bilowday 2011-kii xilligaasi oo ay garwadeen ka ahayd xukuumada Sheekh Shariif. Mar labaad waxaa la isku soo laabtay 2012-kii xili maamulkii Xasan Sheekh uu talada dalka hayey. Balse ma aysan kasoo bixin qodobo sahli kara in mar saddexaad la kulmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM