Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Sanca
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Aadan xilli uu ra’iisul wasaaraha dalkaas iyo golaha wasiirada cusub ee lagu dhisay heshiis awood qeybsiga ay ka dageyeen madaarka. Illaa 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas dhimashada badan dhaliyay. Ra'iisul wasaare Maeen Abdulmalik Sa’id wuxuu sheegay inuu wanaagsan yahay, balse dhowr wasiir ayaa la sheegay in la dilay. Sidda laga soo xigtay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, xukuumadda Muqdisho ayaa u tacsiyeyneysa dadka ku nafwaayey falkaas, halka ay soo kabasho u rajeyneyso dhaawacyadda. "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, xilli ay soo caga-dhigatay diyaarad siday xubnaha Xukuumadda cusub ee Yemen, waxaana uu sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah," ayaa lagu yiri qoraalka. Bayaanka ayaa al raaciyey: "Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay". Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo horey waxay uga hadashay weeraro noocaan ah oo Xuutiyiinta ka geysteen Yemen iyo gudaha Sacuudiga. Yemen waxaa dagaalo dhiig uu ku daadanayo uu ka socdaa in ka badan tobban sano, waxaana ku dhintay boqolaal halka ay ku barakaceen malaayiin ruux, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay oo ku baaqdey in dedaalo nabadeed lagu soo gabagabeeyo colaada dabadheeraatay. GAROWE ONLINE