Maxamed Rooble: Soomaaliya oo yeelatay ra'iisul wasaare cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kadib ku dhawaaqista heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020-21, madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay ra'iisul wasaarihii 20aad ee waddanka kaasoo bedelaya Xasan Cali Khayre.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxdey Villa Soomaaliya laguna faafiyey ciwaanada ay ku leedahay baraha bulshadda, madaxweynaha ayaa wuxuu xilkaas go'aansaday in uu u dhiibo Maxamed Xuseen Rooble.

Bishii July, 25-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii Khayre uu ku dhawaaqay in uu is-casilay markii Golaha Shacabka uu sheegay in uu kalsoonida kala nqodey, go'aankaas oo la sheegay in ay Madaxtooyada maleegtey.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran".

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa," ayay ku dartey.

Digreetada ayaa lagu soo xiray: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.

Maxamed Rooble oo 1963-dii ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ah qurba-joog ku cusub siyaasada. 14-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu lasoo shaqeynayey Qaramada Midoobay gaar ahaan ILO.

Rooble oo ah xaasle leh shan caruur ah ayaa haysta dhalashada Sweden, halkaasoo qoyskiisu ay degan yihiin. Jaamacada Umadda ayuu heerka koowaad ee waxbarashada kaga baxay Injireenimadda.

Darajada Mastar-ka ayuu ka qaatay Jaamacada Kunliga Tekniska Hogskolan ee magaaladda Stocholm, isagoo bartay culuumta Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure.

Hay'adda Shaqaalaha Aduunka ee ILO wuxuu ka ahaa lataliye dhanka farsamada, halka shirkadda Sains "Customer Service". Magacaabistiisa waxaa saameyn weyn ku leh Fahad Yaasiin Daahir iyo Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Xilli uu si faseex ah ugu hadli karo luuqadaha Somali, English iyo Swedish, Rooble oo ay hortaalo sidii uu waddanka uga saari lahaa mar-xalada kala guurka iyo qabashada doorasho ayaa si lamida lataliye u ahaa Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM