Sooyaalka Injineer Yariisow: "Halyeey u soo khidmeeyay qaranka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho ayaa Galabnimadii Khamiista ugu dhintay Dooxa, caasimada Qadar, dhaawacii kasoo gaarey weerarkii xafiiskiisa lagu qaaday isbuucii hore.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow ayaa waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Banaadir 16-kii August sanadkii 1965-kii.

Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey Jaamacadda Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer, sanadkii 1986-kii.

Ra'iisul Wasaare Khayre oo si qiiro leh uga hadlay geerida Yariisow ayaa ku tilmaamay "halyeey qaran, nin daacad ah, iimaan leh, dhib badanna usoo maray in ay istaagto qaranimada Soomaaliya".

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray ehelada marxuumka ayaa wuxuu faray in calanka hoos loo dhigay, isla markaana dalka uu galo saddex maalmood oo baroor-diiq ah.

Shaqooyinkii uusoo qabtay

Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMG-ka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3-kii December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012

20-kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26-kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood). Maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Yariisow ayaa kamid noqonaya mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku baxay gacanta xoogaga Al-Shabaab, kuwaasi oo dagaal kawada caasimada tan iyo 2006-dii markii la aas-aasay.

GUDDI LOO MAGACAABAY AASKA YARIISOW

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM