Tacshiirad dhexmaray ciidamada Jubaland iyo ilaalada Seeraar

Image

KISMAAYO, Jubaland – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn kooban oo ka dhacday Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubaland.

Iska hor-imaad ayaa u dhaxeeyay ciidamadda maamul goboleedka iyo ilaalo daacad u ah siyaasiga Cabdinaasir Seeraar.

Illaa iyo haata, ma cadda sababta dhabta ah ee keentay isku dhaca, wallow ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Warbixinadda ayaa sheegay in dhacdadaan ay ka dhalatay waddo la xiray maadaama ammaanka aad loo adkeeyay.

Sidoo kale, lama soo warin wali khasaaro - dhaawac ama dhimasho - oo dhinacyadda kasoo kala gaarey dagaalka dhexmaray.

Seeraar ayaa kamid ah xubnaha kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ee taageeradda ka helaya Villa Soomaaliya.

Tacshiiradda ayaa kusoo aadeysa iyaddoo magaalada Kismaayo uu ku sugan yahay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ee Donald Yamamota.

Danjire Yamamota ayaa kulan la leh madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay kawada hadlayaan xaaladihii u dambeeyay ee degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM