Taliyaha NISA iyo Roobow oo ku kulmay Baydhabo [Maxay kawada hadleen?]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Sabti ah Kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, Taliyaha NISA, Xuseen Maxamed Xuseen [Caloolkuus] iyo Mukhtaar Roobow, oo shalay Wasaaradda amniga kahor timid musharaxnimadiisa.

Xuseen ayaa safar deg deg ah ku tagey Baydhabo kadib markii Roobow uu qaadacay go'aanka dowladda uga hor istaagtey inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo markii hore la sheegay in NISA iyo Villa Somalia ay ku taageerayeen. 

Kulanka Roobow iyo Taliyaha NISA oo saxaafada dibada ka joogtey ayaa warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helay waxay sheegayaan in uu jiro ismariwaa xooggan.

Warsidihaan oo isku tax-luujiyey inuu ogaado qodobadda saxda ah oo kulankaasi lagu lafagurey ayaa ogaadey inay isla soo qaadeen labada dhinac qodob ah in Roobow hakad geliyo Olalihiisa doorashadda ee ka socda Baydhabo.

Go’aanka dowlada ayaa kala qaybiyey dadka daga maamulka Koonfur Galbeed iyadoo dad  tageereen musharxnimada Robow halka kuwo kale qabaan inuu dambiyo ka galay shacabka deganadaas iyo guud ahaan Soomaaliya.

Villa Somalia iyo NISA oo dabada ka riixeysay markii hore murashaxnimadda Abu Mansuur ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in aysan si rasmi ah uga warheyn in Roobow laga qaadey xayiraadaha beesha caalamka horey ugu soo rogtey. 

Hanaankii uu Roobow ku yimid Muqdisho oo ahaa mid soo billowday maamulkii Farmaajo ka horeeyay ayaa kala go' galay kadib markii isbedel uu ku yimid sarakiishii iyo la-taliyayashii amniga ee Madaxweyniyayashii xilalka la kala wareegay.

“Saraakiisha hay'adaha amniga dowladda Federaalka Madaxweyne Farmaajo u xil-saarey iyo kuwo la taliye-yaasha amniga ka dhigtey oo aan khibrad laheyn ayaa sabab u ah in madaxda sare ee dowlada ka warheyn heerka ay leegtahay xayiraadii caalamiga aheyd ee saarneyd Roboow, waana midda  keentey in Villa Somalia si indha la’aan ah ku tageerto Jabhadkaan u xuubsiibtey siyaasiga.” sidaas waxaa u sheegey GO sarkaal horey uga tirsana hay’adaha amniga Soomaaliya oo diidey magaciisa

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la rumeysan  yahay in cadaadis uga yimid dowladihii markii hore Roobow liiska argagixisada u galiyey taasoo khasab looga dhigey iney joojiso musharaxnimada Roobow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM