Tobanaan lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamo iyo Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Tobanaan ayaa ku geeriyootay dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-Shabaab, Isniinta maanta ah.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warameysa in 20 kamid ah Al-Shbaab lagu dilay, 30-kelana lagu dhaawacay intii uu socday iska hor-imaadka.

Is-rasaaseynta ayay askarta ku qabsadeen Goofgaduud oo ku dhow Baydhabo, oo ah magaalo 250 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

"Ciidamadda dowladda waxay dib u qabsadeen tuulada markii ay Al-Shabaab si kooban u haysatay saacado," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Dhinaca kale, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo guulo ka sheegatay isku dhaca ayaa tibaaxday in ay dishay saraakiil kuna furatay saanad.

Goofgaduud ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed ka xigta caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh gobolada hoostaga Koonfur Galbeed, wallow ay socdaan howlgalo balaran oo la doonayo in lagu cirib-tiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM