Muxuu ka dhigan yahay Heshiiska Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya?

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis aan wali qodobadiisa loo soo bandhigin saxaafadda waxay la gashay dhawaan Ahlu Sunna Wal-jameeca, oo ka talisa qeybo mida gobolka Galgaduud.

Heshiiskaasi ayaa dhinacyadda uu ka kooban yahay waxaa kamid ah amniga iyo siyaasadda, iyadoo uu socdo qorshooyin dib u heshiisin kahor doorashada Galmudug iyo in malleeshiyada Ahlu Sunna la qarameeyo.

Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka [Booliska, Militeriga iyo Asluubta] ayaa u socdaalay xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb, si ay qalinka ugu duugan Axdiga isla markaana ay uga shaqeyn lahaayeen fulintiisa.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan uu "guul weyn" u yahay qorshaha xukuumadda hadda jirta ee dib u habeynta ciidamada iyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ahlu Sunna ayaa Al-Shabaab ka xoreysay magaalooyin waaweyn sida Dhuusamareeb iyo Guriceel, halkaasi oo xubno badan ay kaga dhinteen labada dhinac.

Balse cudada dowladda oo kusoo biirtay ayey sheegayaan xeel-dheereyaasha in ay sahleyso in dagaalka dib loo bilaabo maadaama mudooyinkii dambe uu hakad ku jiray.

Heshiiska Ahlu Sunna ayaa meesha ka saarey Madaxweyne Xaaf, oo hadda u muuqda mid ka tanaasulay Kursigiisa, maadaama lagu heshiiyay in doorashada la qabto waqtigii dowladda Federaalka ku baqday, oo ah bishan July.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xusay in Dhuusamareeb la geyn doono ciidamo ka socda federaalka, wallow taasi ay siyaasiyiinta su'aal ka keeneen kuna tilmamaay "afgembi lala damac-san yahay coddeynta".

Doorashada ayaa la filayaa in ay ka qabsoonto Dhuusamareeb wallow ay dood ka taagan tahay.

Odayaasha Cadaado ayaa qeyb kamid ah heshiiska ka horyimid gaar ahaan qodobka qeexaya in Dhuusamareeb ay martigeliso heshiiska dib u heshiisiinta Galmudug. 

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed oo ay kusoo saartey siyaasigii ay wadatay markii ay Baydhabo geysay ciidamo boolis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM