Walaac laga muujiyey kaamirooyinka lagu xiray jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey kaamirooyinka cusub ee dowladdu ku xirtay qaybo kamid ah wadooyinka iyo isgoysyadda Muqdisho.

Xubnahaan u waramay Garowe Online ayaa sheegay in CCTV-yadda lagu rakibay meelo ku dhow hoygooda, "talaabadaasoo ay tuhunsan yihiin xukuumadda kula socoto dhaqdhaqaaqooda".

Kaamirooyinka qarsoodiga ah oo todobaadyadii u dambeeyay ay socotey dhejintooda ayaa laga maamulaa xarunta hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar-khadiija.

Saraakiisha amniga ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda in Kaamirooyinka ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda cusub ee xukuumadda ku xaqiijineyso nabad-gelyadda.

Horaantii bishaan December, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay hotel SYL oo ku dhow Madaxtooyadda, halkaasoo ay ku dishay laba askari iyo saddex shacab, sidda uu boolisku sheegay.

Shan dabley oo ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida watayna dareeska bileyska ayaa fuliyey weerarka, iyaddoo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan qaabka ay halkaas ku tageen.

Al-Shabaab, oo Muqdisho laga saarey 2011, waa "cadowga" amniga, nabada iyo horumarka Soomaaliya, waxayna caasimadda ka fulisaa weeraro isugu jira qaraxyo gaari, weerar toos ah iyo shirqoolo dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM