Shirka Wadatashiga ee Garowe oo qarka u saaran inuu burburo

Image

GARIWE, Puntland - Shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Maamulada oo ka socda magaaladda Garowe ayaa galay maalintii Shanaad oo la isla gaarey illaa iyo Salaadii Maqrib, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin xog ogaal ah.

Sida uu fahansan yahay Garowe Online, ma jirto wax horumar ah oo laga sameeyay qodobadii laysku hayey ee khilaafka Galmudug, sharciyada Bartoolka, doorashada, xisbiyada iyo la bedelo magaca Golaha Amniga Qaranka.

Xogta ayaa intaasi raacineysa in madaxweyne Xaaf lagu qanciyey in arrinta ku saabsan xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamulka Farmaajo dib loo dhigo, isla markaana ajendeyaasha kale la guda galo.

Intii uu socday kulanku , waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo isku rasaaseeyay ciidamo ilaalo u ahaa murashax Cabdinaasir Seeraar, kaasi oo Muqdisho ka yimid, iyo booliska. garoonka

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka ah in ay iyaddu ka dambeyso wixii ka dhacay caasimada ku meel gaarka maamulka Jubbaland.

Murashax Seeraar ayaa lagu waramayaa in uu kamid yahay dhowr kale oo ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo dooneysa in ay ka takhalusto hogaamiye Axmed Madoobe.

Madaxda ayaa ku balamay in Afurka kadib ay isku soo laabtaan si wadahadalka halkiisa uga sii socdo. Balse, warsidaha GO wuxuu ogaaday in aysan dib dambe isugu soo noqon hogaamiyeyaasha.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii labaad oo caqabad uu soo wajaho Shirka iyada oo markii koowaad ay ahayd arrinta Xaaf iyo Madaxtooyada, taasi oo hadda u muuqata in la qaboojiyey.

Balse xiisada kasoo korodhay magaalada Kismaayo iyo diidmada madaxda dowlada Federaalka iney aqbalaan kuwa ugu muhiimsan ajendayaasha shirka ayaa la tilmaamayaa in ay waji horleh gelineyso shirka, kaasi oo muddo ku dhaw todobaad socdo aysan wax natiijo ah gaarin madaxda siyaasada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM