Wasiir difaacay fal carro abuuray oo uu ka sameeyay garoonka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa difaacday fal carro abuuray oo ay ka sameysay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa 25-kii Febraayo, 2020, waxay diidey in hubin caafimaad lagu sameeyo xili ay kasoo laabatay booqasho ay ku tagtay Turkiga, halkaasoo ay kaga qeybgashay shirwayne.

Hubinta caafimaad waxay la xiriirtay caabuqa dilaaga ah ee Coronovirus. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilowday shaqadaas oo u saartay shaqaale la sheegay in ay u tababaran yihiin.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey Xildhibaan Khadiija oo diideysa in la baaro iyo howlwadeenada caafimaad oo kadib go'aansadey in aysan hubin ku sameyn rakaabka kale.

Iyadoo ka jawaabeysa falcelinta, Khadiija ayaa ku adkeystay "in aysan jirin sabab hubin loo sameeyo maadaama la xaqiijiyey in dalka uusan ka jirin kiis Coronovirus ah".

Jawaabta ayay ku bixisay muuqaal ay baraha bulshadda ku faafisay kaasoo ay ciwaan kaga dhigtay "Jawaab-celinteeyda ku aadan Qancinta Taageerayaasheeyda Gudaha dalka iyo dibadiisaba ku nool".

Sidda ay ka dhawaajisay Khadiija, labada ruux oo kasoo muuqdey muuqaalka falkeeda soo shaac-bixiyey ayaa dhexdooda ku kala aragti-duwanaa hubinteeda.

Mar ay si gaar ah u dul istaagtey labadda shaqsi, waxay dhaliishay dareeska ay wateen oo ay ku sifeysay "dharka ay xirtaan Injineerada dhismaha ama marka ay dhacdo musiibo ama xaalad degdeg ah".

Intii ay ku guda jirtay hadal-jeedinta waxay ugu yaraan laba jeer kusoo celisay kalmadda ah "hadii ay timaado xaalad caafimaad oo halis ah qof walba naftiisa isagaa kaa jecel, anigana waan jeclahay nafteyda".

Hay'addaha kala duwan ee ka howlgala "muraayadii dalka laga eeganaayey ee garoonka diyaaradaha" ayay ku boorisay in ay wax ka bedelaan qaab-dhaqameedka shaqaalahooda taagan madaarka.

Xili ay u muuqatay mid ka jawaabeysa eedeynta ah in baalmartay shuruucda waddanka iyo dowladnimadda, wasiir Khadiija oo meesha ka saartay arrintaas ayaa carabka u dhufatay "in ay diyaar u tahay".

Mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyay "in ay iskala wayn yihiin in ay u hogaan-samaan shuruucda u taala goobaha ay tagaan, iyagoo adeegsanaya shaarka dowladnimo oo ay huwan yihiin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM