Wasiir u hanjabey Hay'adaha xilli amniga Muqdisho xun yahay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli amniga Muqdisho uu yahay mid aan la isku halleyn karin, oo dhawaan lagu afduubey Gabar u dhalatay dalka Jarmalka, oo la shaqeynaysa ICRC ayaa waxay dowladda Soomaaliya digniin u jeedisay Hay'adaha samafalka.

Wasiirka Qorsheynta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku wargeliyay dhamaan hay'adaha samafalka ee ka shaqeeya dalka inay xafiisyadooda usoo wareejiyaan Muqdisho, kana soo guuraan magaalada Nairobi.

"Waxaan maanta [29-ka bishan] la kulmay  hogaanka NGO-yada ka shaqeeya Soomaaliya, waxaan ku wargeliyay go'aanka dowladda oo ah inay xafiisyadooda usoo wareejiyaan Muqdisho, laga billaabo 1-da January, 2019, cidii u hogaansami wayda amarkan waxaa lagala noqonayaa ruqasadda iyo diiwaangelinta," ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu tallaabadan u sababeeyay Jamaal inay shaqo abuur ka heleen dhalinyaro Soomaaliyeed, inay bixiyaan lacagta canshuurta ah, in kala socdo howlaha ay ka fulinayaan dalka iyo in dowladda Soomaaliyeed ay xog ogaal ah unoqoto hadey shaqadooda ugudanayaa si wanaagsan.

Hay'adaha caalamiga ah ee arrimaha mashaarciiyadda ka fuliya dalka ayaa inta badan waxay kaliya ay yimaadaan Magaaladda Muqdisho iyo meelo kale oo wadanka kamid ah marka ay kaliya fulinayaan mashruuc, taasoo dowladdu ka qaylo dhaamisay.

"Waqtigii shaqo maalmeed loo imaanayey Muqdisho ama meelo kale oo dalka kamid ah, oo layska fadhinayay inta kale Nairobi way dhamaantay. Waxaan usheegaynaa Hay'addaha mashriicyadda dalka ka fuliya ee caalamiga ah inay caasimadda yimaadaan," ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Inta ka harsan sanadkaan 2018 ayuu Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya ku faray Hay'addaha inay xarumo uga furtaan Magaaladda Muqdisho, isaga oo carabka ku dhuftay in Hay'addii amarka wasaaradda uhogaan-sami wayday ay Ruqsada kala noqoneyso dowladda.

"Waa inay inta ka harsan sanadkaan ku yimaadaan Muqdisho, ayna xafiisyo uga furtaan. Hay'addii samey wayda dowladdu lama shaqayeyso, waana kala noqoneynaa Ruqsadda shaqo oo ay dalka ku joogto," ayuu hadalkiisa kusii daray Wasiir Jamaal.

Hay'addaha caalamiga ah ee mashaariicyadda ka fuliya dalka ayaa sababaha aysan dalka uga howlgeli karin waxay ku sheegayaan inay tahay amaanka oo liita, waxaanan laga dhowr-sugayaa sida ay udhaqan-geliyaan amarka kasoo baxay Wasaarada Qorshaynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM