Xasan Sheekh oo magaca ka bedelay xisbigiisa kadib markii lagu qabsaday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qasabanaadey inuu si deg deg ah magaca uga bedelo xisbi uu kaga dhawaan uga dhawaaqay Muqdisho.

Xisbigan ayaa markii hore loo bixiyay Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda [Union for peace and democracy], balse la bedelay magaca, kadib markii uu ku magac noqday xisbi horey loo diiwaangeliyay.

Waxaa maanta hotel ku yaalla Muqdisho lagu qabtey munaasabad lagu daah-furay Xisbiga, oo hadda la isku raacay inuu noqdo magaciisa Midowga Nabadda iyo Horumarka [Union of Peace and Development].

Isbahaysigan oo ay ku midoobeen Kutladda Horusocod iyo Daljir, ayaa waxaa xubnihiisa iyo hogaankiisa u badan siyaasiyiin hore [Damujadiid], oo xilal kasoo qabtey dowladii Xasan Sheekh iyo Xildhibaanno mucaarad ah.

Maadaama la sheegay in doorashada soo socota ee 2020-ka, waxaa si xowli ah ku socda xisbiyada aas-aasmaya, kuwaasoo loolan u gali doona tartanka kuraasta baarlamaanka kan hadda jira bedeli doona.

Madaxda hadda talada dalka haya, ee jooga Villa Somalia ayaa qudhooda qorsheynaya inay ku dhawaaqaan xisbi siyaasadeed cusub, iyadoo taasi howsheeda wadaan Kooxda Nabad iyo Nolol.

Doorashada la filaya inay dalka ka dhacday labo sano kadib ayaa la isku raacay in lagu saleeyo nidaamka xisbiyadda badan, oo matalaad ku yeelan doonaan baarlamaanka, maadaama la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sababo amni.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM