Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu soo bandhigey liiska golaha wakiilada maamulkaas.

Mudaneyaasha cusub ayaa waxaa lagu waddaa in la dhaariyo dhowaan isla markaana fadhigooda koowaad ay ku doortaan afhayeen ku meelgaar ah kahor inta aysan dooran guddoon rasmi ah.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamulada xubinta ka ah dowladda Soomaaliya ee laga taageersan yahay nidaamka federaalka, balse xiriirka dhow la leh Villa Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Laftagareen, hogaamiyaha haatan ee maamulkaas, oo kamid ahaa xukuumadda Khayre ayay Qaramada Midoobay xaqiijisay in doorashadiisa lagu bixiyey laaluush.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab balse markii uu isku soo dhiibay dowladda isu sharaxay xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed, ayaa xiran tan iyo bishii 2018.

Laftagareen iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka ayaa balanqaadey soo deynta Abuu Mansuur, balse waxay u muuqdaa kuwa ku guuldareystay arrintaas.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa iyaddoo ay jireen eedeymo ku saabsan in murashaxiin Xildhibaanimo qaarkood ay madaxtooyadda ku sameysay is-hor-taag si ay ugu soo baxaan xubno kale oo ay gedaal ka riixeysay.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha cusub

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM