Xisbiga Sheekh Shariif eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xisbiga madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed ayaa wuxuu xaqiijiyey in laga hor-istaagey socdaal uu ku tegi lahaa magaaladda Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa caasimadda ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland waxa uga qeybgeli lahaa caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran oo la socday diyaaradda Turkish Airlines ayaa wuxuu ka yimid waddanka Turkiga, isaga oo uga soo gudbi lahaa magaaladda dekadda leh.

War-saxaafadeed uu xisbigu soo saarey kaasi oo luqad adag ku qornaa ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya "ku tagri fal awoodeed".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, talaabadda is-hortaaga lagu sameeyay Shariif ayaa ah "xadgudub ka dhan ah sharafta bini'aadanimadda iyo dastuurka qabyadda ee waddanku leeyahay".

Xukuumadda ayaa nan wali ka jawaabin eedeymahan iyo sababta ay siyaasigan iyo wafdi uu horkacayey ugu diiday in ay u duulaan xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xukuumadda ayaa nan wali ka jawaabin eedeymahan iyo sababta ay siyaasigan iyo wafdi uu horkacayey ugu diiday in ay u duulaan xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Villa Soomaaliya ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho iyo in ay duulimaadka soo codsadaan 24-saac kahor inta aysan duulimaadka bilaabin.

Talaabadaas ayaa lagu tilmaamay isku day ay Madaxtooyadda Qaranka ku dooneyso in ay ku baajiso caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan September loo balansan yahay.

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM